Muuqaalka Golaha wasiiradda cabdiweli

Mogadishu(ANN)Qoraal ay wadajir usoo saareen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir iyo Hantidhawrka Guud Nuur Jimcaale Faarax , ayaa lagu amray in aanay Xubanaha Goloaha Wasiiradda ee Xukuumadda Xilka laga qaaday ee Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh aanay dalka ka bixi Karin ilaa inta ay xilka wareejinayaan.

Qaar ka mid masuuliyiintaa, ayaa la sheegay inay soo baxeen tuhuno la xidhiidha inay hanti lunsadeen, kuwaas oo dacwado la xidhiidha arrimahaa oo ay soo gudbiyeen Hay’addaha baadhistu la hor geeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

War Qoraal ah oo ay ku wada saxiixnaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa lagu xusay in iyagoo tixgelinaya xaaladda addag ee dalku marayo iyo soo ifbixidda jiritaanka ku takri falid awoodeed ee shaqo iyo shaqaale, islamarkaana ay dareemeen surtagalnimada lunsasho iyo takri fal hanti dadweyne ay soo saareen amarka safarka lagaga joojinayo wasiirrada ilaa ay xilka wareejiyaan.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in mudadii uu socday khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha la lunsadau hanti baddan, isla markaana waxa la rumaysanyahay oo isa soo taraya warar sheegaya in ay jiraan lacago malaayiin dolar ah oo ay lunsadeen qaar ka mid ah masuuliyiinta, kuwaas oo raadkooda lagu joogo.

Sidoo kale waxay awaamiirta xayiraada ah soo saareen xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo hanti dhawrku, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maalmihii todobaadyadii lasoo dhaafay dalka Imaaraadka lagu qabtay ugu yaraan sadex nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu qabtay lacag tahriib ah oo malaayiin dolar ah, taas oo ay sheegeen markii baadhis lagu sameeyay kadib inay kala yimaadeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay leeyihiin xubno wasiiro ah, isla markaana waxyaabo xukuumaddu u baahantahay lagu iibinayo, balse sheekadaa noocaa ah ayaa beenawday markii baadhis lagu sameeyay, waxaana la oggaaday in lacagtaa oo ahayd lacag ay xukuumadda Somalia leedahay si tuugo ah la doonayay in meelo gaar ah loo dhigto, waxaana xabsiga loo taxaabay sadex nin oo lagu qabtay lacagtaa.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com