Guul Iyo Guuldaro Midkee Kusoo Dhamaaday Safarkii Madaxweynaha Somaliland Ee Dalka Ethiopia

Madaxweyne Silanyo oo kaso laabtay Ethiopia 23 Jun 2015

Falanqayn Carraale M Jama Freelance jaournalist and Human Rights Activist
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi Wasiiradiisa ka mid ah oo socdaal laba maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Ethiopia, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Siilaanyo oo kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa ka hor intii aanay kasoo bixin xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha ay labada hoggaamiye ka wada hadleen.
Mana jiro war rasmi ah oo faahfaahin ka bixinaya ujeedada kulanka iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen labada hoggaamiye, balse Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa maanta hadal kooban oo uu warbaahinta u jeediyay markii uu kasoo degay dhabaha Diyaaradaha ee Egal International Airport ku sheegay in waxyaabaha ay ka wada hadleen oo ahaa xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya si fiican isula qaateen, isla markaana kulankoodu ku dhamaaday guul iyo isfaham, balse Madaxweyne Siilaanyo ma sharaxin waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada haleen, iyadoo koox weriyayaal ka socday warbaahinta laga hor istaagay inay su’aalo weydiiyaan Madaxweynaha.

Hase yeeshee waxa jira tibaaxo iyo ila wareedyo la xidhiidha ujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo oo booqashadiisa dalka Ethiopia ku tilmaamay mid qayb ka ah loolanka siyaasadeed ee mandaqada oo ay ku hirdamayaan wadamada reer galbeedka iyo kuwa barigu iyo sidoo kale arrimaha dalka Yemen iyo dagaalka ka socda oo saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku yeeshay mandaqada, isla markaana abuuray cabsi laga qabo inuu amaanka mandqada oo horeba ula il darayd arrimaha argagixisada awooda ku leh

 

 

Dhinaca kale booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee Ethiopia, ayaa kusoo beegantay iyadoo dalka Ethiopia la filayo inuu maalmaha soo socda ee busha July booqasho ku tago Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama oo booqashadiisa Ethiopia la shaaciyay maalin ka hor socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee Ethiopia, iyadoo Madaxweynaha Somaliland booqashadiisa Ethiopia ahayd casuumad ama martiqaad uga yimi Raysal wasaaraha Ethiopia, isla markaana diyaarad khaas ah loo soo diray.
Ma jiro wax cadaymo ah oo muujinaya in ujeedada booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Ethiopia xidhiidh la leedahay booqashada la filayo ee Madaxweynaha Maraykanka Obama ku tegayo dalka Ethiopia, iyadoo la filayo in kulanka Ururka Midawga Afrika uu qudbad ka jeediyo July todobadyada soo socda, balse waxa jira astaamo muujinaya in aanay booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Ethiopia ka madhanayn arrimo xidhiidh la leh ujeedada booqashada Madaxweynaha Maraykanka, isla markaana fariimo la xidhiidha arrimahaa oo ka yimi dhinaca Madaxda Maraykanka iyo booqashada Madaxweyne Obama loo soo mariyay Somaliland dhinaca Ethiopia oo ay Somaliland xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi la xidhiidha arrimaha amaanka iyo ganacsiga uu ka dhexeeyo, balse lama ogga fariimahaasi nooca ay yihiin iyo inay Somaliland oo aan dunidu aqoonsayan, balse istiraati ahaan ahmiyad weyn u leh dunida, isla markaana xaaladaha loolanka siyaasadeed ee dalalka ku hirdamaya mandqada iyo dagaalada dalka Yemen dunida u muujiyeen in aan indhaha laga qarsan Karin ahmiyada ay Somaliland u leedahay dunida iyo saamaynta ay mandqada iyo gobolka ku leedahay, ama doorka ay ka ciyaari karto, iyadoo xiligan Somaliland qaabishay kumanaan kasoo qaxay dagaalka Yemen oo kus sugan dalkeeda.

Muuqaalada kulanka labada hoggaamiye, ayaa la arkay markii u horaysay intii uu socday kulanka labada hoggaamiye ee Somaliland iyo Ethiopia oo ay kulan gaar ah yeesheen Marwooyinka labada hoggaamiye Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamuud Jirde iyo Marwada Raysal wasaaraha Ethiopia Roman Tesfai, taas oo ahayd markii ugu horaysay ee inta la ogyahay labada hoggaamiye oo marar baddan kulmay ay marwooyinkoodu kulan sidan oo kale ah yeeshaan, waxaan kulankooda oo aan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen lagu macneeyay mid ay kaga wada hadleen iskaashiga Haweenka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee waqtigan Ethiopia iyo kulanka Raysal wasaare Hailemariam Desalegn , waxay u muuqtay mid fursad weyn u ah Somaliland maadaama uu Madaxweynaha Dalka Maraykanku kusoo waajahanyahay dalka Ethiopia, isla markaana ugu yaraan Somaliland fariimheeda wadada ugu dhow ee ay u marin kartaa tahay Ethiopia, balse lama ogga haddiiba ay Somaliland fariinteeda ku waajahan Madaxweyne Obama marisay halkaa inay gaadhay iyo in kale, waxase jawaabta laga fili karaa waxa kasoo baxa booqashada Madaxweyne Obama ee ku waajahan Ethiopia marka la gaadho July 2015.
Falanqayn Carraale M Jama Freelance jaournalist and Human Rights Activist
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews