Araweelo News Network

 


Abuja(ANN))- Nin magaciisa lagu soo koobay Maxamed oo lagu qasbay inuu u dagaallamo kooxda Boko Haram ee ka dagaallama dalka Nayjeeriya galbeedka qaaradda Afrika, ayaa la baxsado xaaska mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee kooxdaas oo aad loo ilaalin jiray.

Weriye ka tirsan BBC-da oo la kulmay Maxamed’ ayaa uga sheekeeyey sidii ay ugu suurtogashay in uu ka soo goosto kooxda Boko Haram.

Waxa uu sheegay in xaaska mid ka mid ah abbaanduulayaasha sare ee Boko Haram oo uu ilaaliye ka ahaa ku qancisay inay isla baxsadaan.

Maxamed waxa uu Boko Haram ku biiray saddex sanno ka hor isaga oo ku sugnaa magaalada uu ka soo jeedo ee Banki.
Waxa uu magaaladaasi ku lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo, lugana hoggaamiyo telefoonnada gacanta.

Maxamed waxa u yimi kooxda Boko Haram oo isku dayay in ay ku qasbaan inuu ku soo biiro, laakiin wuu ku gacan seydhay, wuxuuna u cararay magaalo kale oo ku taal xuduudda Cameroon.

Hase ahaatee, nin ay saaxiibbo ahaayeen ayaa ku qanciyey in uu dib ugu laabto magaalada Banki si uu ganacsigiisa u sii wato waxaana loo balanqaaday in wax waliba ay caadi ahaan doonaan.
Markii Maxamed dib u laabtay ayaa saaxibkii wuxuu ku qasbay in uu ku biiro kooxda Boko Haram.

“Wuxuu igu qasbay in aan qaado qorigiisa,” ayuu yidhi.
“Waan ogaa in uu ka tirsanaa Boko Haram. Ma doonayn in aan ku biiro, balse ma jirin waddo kale oo ii furnayd, waanan ogaa in uu i dilayo haddii aan diido,” ayuu sii raaciyey Maxamed.

Wuxuu sheegay in ay weerari jireen tuulooyiinka balse isaga uu ka soo horjeeday arrintaas, naftiisana u baqay.

“Waxaan ku wareegi jirnay tuulooyiinka, waxaanan ka soo afduubaynay haweenka si aan u guursanno,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo Maxamed xusay in marki hore ee uu ku biirayey kooxda, in ciidammada la siin jiray mushahar, markii dambe ee laga saaray magaalooyiin badan ay lacagtaasi dhammaatay.

Ninkan ayaa markii dambe loo magacaabay in uu ilaalo gaar ah u noqdo mid ka mid ah abbaanduulayaasha sare ee Boko Haram, wuxuuna aad u dhexgalay arrimaha hoose ee Boko Haram.
Wuxuu sheegay in aannu aqoon halka ay ka imanaysay lacagta kooxdu haysto.

Weriyaha BBC-da ee ayuu u sheegay in aannu weligii la kulmin hoggaamiyaha Boko Haram, Abubaker Shekau.

Maxamed ayaa markale loo xilsaaray in uu ilaalo ka noqdo bahyarta abbaandulaha Caisha oo aan ahayn magceeda saxda ah.
Sidee ayey ku soo baxsadeen?

Maxamed iyo Caisha oo imika ku sugan saldhig ay leeyihiin militariga Nayjeeriya, waxay ka sheekeeyeen sidii ku soo baxsadeen.
Caisha waxay sheegtay in abbaanduulaha uu baray isticmaalka hubka iyo sida wax loo toogto.

“Saygeyga wuu ogaa in aan doonayo in aan baxsado, waana taas sababta uu ilaaladiisa ugu sheegay in ay i ilaaliyaan meel waliba oo aan tago,” ayey tidhi.

Balse Caisha ayaa ka duwan raggii ilaalin jiray ku aragtay Maxamed, waxayna sheegtay in uu ahaa nin wanaagsan oo naxariis badan.
Waxa ay kadib go’aansatay inay ku qanciso in ay baxsadaan.

Waxa ay bilaabeen inay qorsheeyaan sidii ay u baxsan lahaayeen, laakiin Maxamed ayaa si aad ah u baqayey, waxaannu aaminsanaa haddii ay isu dhiibaan millatariga inay la kulmi doonaan ciqaab adag.
Hase yeeshee Caisha ayaa BBC laanta Hausa ka dhagaysatay in cafis loo fidinayo dadka ka soo goosta Boko Haram.

Waxa xilli habeen ah la arkay Caisha iyo Maxamed oo kulmaya, wuxuuna abbaanduulaha ka shakiyey in uu xidhiidh ka dhexeeyo, kadibna wuxuu amray in labadoodaba gacmaha loogu xidho xadhig adag.

Laakiin Caisha waxa u suurtogashay in xadhiggii gacmaha kaga xidhnaa u dabco ayna iska furto, dabadeedna waxay xadhigga ka furtay Maxamed, wayna baxsadeen.

“Aad Ayaan u garanayay dhulka, waxaanan soo dhex marnay keymaha,” ayuu yidhi Maxamed.

Ugu dambayntii waxa ay gaadheen goob jid-gooyo u taallay millatariga Nigeria, wayna isu dhiibeen ciidammada, iyagoo sheegay In markii ay ciidammada isu soo dhiibeen ay si wanaagsan ula dhaqmeen.