Madaxweyne Trump, wuxuu Baahiyay Muuqaal Cunsuriyad Iyo Been Abuur Ah

 

New York (ANN)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald J. Trump iyo Shebekadda Twitter, ayaa food isla galay, kadib markii Madaxweyne Trump Bartiisa Twitter ku baahiyey Muuqaal dood iyo muran dhaliyay, waxayna shebekadda Twitter ku tilmaantay muuqaal la  baahiyay “mid xad gudub ku ah warbaahinta”.

Muuqaalka la baahiyay ee Twitter-ka lagu shaaciyay, ayaa muujinaya ilmayar oo madoow oo ka cararaya ilma caddaan ah xilli ay wada ciyaarayaan, muuqaalkaa oo si been abuur ah, isla markaana la saaray astaanta telefishiinka CNN.

Qoraalka muuqaalka la raaciyey ayaa ahaa sidan:- “Ilma yar oo socod barad ah oo ka cararaya ilmo cunsuri ah”, ka hor intii aannay CNN muuqaalkaasi ku sheegin inuu yahay been abuur ah.

Twitter-ka oo digniin culus u diray Madaxweyne Trump, wuxuu sheegay in muuqaalka been abuurka uu bartiisa Twitterka uu ku baahiyey yahay mid muujinaya inuu dagaal hor leh uu ka dhex billowday labada dhinac.

Bishii May ee lasoo dhaafay shabekadda Twitter waxay qarisay farriimo uu madaxweyne Trump bartiisa soo dhigay intii aannay dadka boggiisa ku xidhan gaadhin, ama aannay akhrisan.

Madaxweyne Trump oo tallaabbada ay Twitter qaadday jawaab uga dhigaya wuxuu amar ku bixiyey in la diyaariyo sharci xadgudubyada baraha bulshada lagaga hortago.

Digniinta cusub ee ay Twitter u jeedisay Madaxweyne Trump oo ah tii ugu horreysay waxaa lagu xusay “inuu xurriyadda saxaafadda uu ku xadgudbay”.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dalka Maraykanka ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dilka dadka madowga ah loo geysto oo ay ka abuurantay dhaqdhaqaaqa ‘Black Lives Matter movement.’

Ilma yar oo madow ah oo ka Ordoya ilma caddaan ah oo daba ordaya, ayaa lagu soo qoray “Ilmahan cunsuriga wuxuu ka mid yahay cod bixiyayaasha Trump.”

CNN waxay sheegtay muuqaalkaasi inuu yahay been abuur oo dib la isugu soo habeeyey, lagana duubay carruur wada ciyaareyso lana duubay bishi September ee kalhore.

https://twitter.com/realDonaldTrump/status/1273770669214490626?s=20

Balse digniinta cusub ee ay Twitter u jeedisay madaxweynaha Trump, waxay ku sheegtay sidan:- “Madaxweynaha inuu baahiyey muuqaal been abuur ah,  isla markaana ka hor imanaya xorriyadda saxaafadda, muuqaalkana uu yahay mid dib la isugu habeeyey oo ay CNN ku sheegtay been abuur.”

 

Dhinaca kale, Trump ayaa ku jawaabay digniinta Twitter, isagoo yidhi, “Twitter waxay gabi ahaanba cabushinaysaa xoriyatul qowlka”.

Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu akhristayaasha ugu sheegayo inay “eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codaynta doorshada ee dhanka boosta, ama Electronic Email.”

Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ah ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado Madaxweynaha Maraykanka.

Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku samaysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah.

Balse Madaxweyne Trump, ayaa sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Maraykanka ka dhacaysa 3 bisha Nofeembar ee sannadkan 2020. “Haddii aan ahay Madaxweyne ma aqbalayo in arrintaas ay dhacdo”.ayuu yidhi, Trump.

Dhanka kale, madaxa ololaha doorashada u qaabilsan Trump ayaa dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka, wuxuuna ku tilmaamay in ay wado eexasho siyaasadeed.

 

Weriyaha BBC-da ee Teknooloojiyadda,  ayaa kusoo warramaysa in Madaxweyne Trump uu barta Twitter-ka u adeegsado in uu dagaal siyaasadeed kula galo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka caanka ah ee ka soo horjeeda. Haddana wuxuu u muuqdaa in uu dagaal la galay shirkadda Twitter.

.

Dhinaca kale, Marianna Spring, oo ah wariye ku takhasustay wararka aan saxda ahayn, ayaa sheegtay in Twitter ay sii laba jibbaartay dadaallada ay kaga hortageyso wararka aan saxda ahayn uu madaxweyne Trump toddobaadyadi ugu dambeeyey soo dhigo bartiisa Twitter-ka.

Barta Facebook, ayaa waxaa weli ku bixi jiray wararka aan saxnayn oo noocaasi ah, balse dhawaan Facebook wuxuu tiray farriin ololaha doorashada Madaxweyne Trump ku saabsan oo uu baahiyey maadaamaa uu adeegsaday astaanta Naziga jarmalka.

DhibaatadaTwitter-ka haysta, ayaa lagu sheegay in ay tahay joogteyn la’aan, waxaana aan weli caddayn farriimaha aan saxda ahayn ee uu Madaxweyne Trump soo dhigo inay gaadheen dadka kala socda bartiisa Twitter-ka iyo inkale.

Sidoo kale tallaabbadan waxay weerar cad ku tahay CNN, maadaamaa magaceeda la adeegsaday. Waxayna warbaahintaasi isu aragtaa mid uu xilliyadi u dambeeyey Trump uu wararka beenta ah uu la beegsanayay.

Sidaan ognahay CNN waxaa weerar cad loo geystay wariyaheeda oo tabin toos ah ku jiray xilligi ay socdeeen mudaharaadyadi looga soo horjeeday dilka ay booliska u geysteen George Floyd.

Waxaan u maleeynayaa muuqaalka haddii aad daawato inuu madaxweynaha uu ula jeeday in lagu qoslo oo keli ah” ayuu yidhi xoghayaha warbaahinta ee aqlka cad Kayleigh McEnany Jimcihii.

“Waxaan sii wadeynaa inaan tabinno xaqiiqooyinka halka aan muuqaallo been abuur ah oo ku xadgudbaya carruur aan waxba galabsan oo garaad lahayn, Waxaan kuugu casuumeynaa adiguna inaad sidaa si la mid ah aad samayso. Wax wanaaagsan samee” aay Warbaahinta CNN ugu jawaabtay farriin ay madaxweyne Trump u dirtay.

CNN waxay sheegtay muuqaalka inta aan la masaxin ka hor inay daawadeen dad ka badan 4 milyan.