wasiirka Arrimaha Debeda Dr Biixi YoonisHargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta ka warbixiyay Kulan ay ergada Somaliland u matalaysa Wada hadalada Somalia ay la yeesheen Sadexda Xisbi qaran.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo Kulankaas Kadib Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Sadexda Xisbi iyo Ergada Somaliland u metelaysa wada hadalku ay ka dhagaysteen Talooyin ku aadan sii ambo qaadista Wada hadalada u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo Somalia .

Mudane Maxamed Biixi Yoonis Waxa uu Sheegay in Xukuumada Somaliland uu Xilkeedu yahay ka midho dhalinta wada hadalka S.land iyo Somalia isagoo intaas ku daray in Mid ka Mid ah Xisbiyada qaran uu u soo jeediyay in la hakiyo wada hadalka maadamaa ay doorashooyin kusoo fool leeyihiin Somaliland, balse Wasiir Biixi, wuxuu sheegay in Wada hadalka iyo doorashooyinku ay kala duwan yihiin laba arrimood oo kala duwan, isla markaana masuuliyad walba ay cid gaar ah leedahay. Sidaa awgeed aan laysku xidhi Karin wada hadalka iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Kulanka ayaa ka danbeeyay kadib markii Axsaabta Mucaaradku soo jeediyeen in la hakiyo wada hadalka la filayo inay Somaliland iyo Somalia bisha March ee fooda inagu soo haysa uga sii socdaan dalka Turkiga, waxayna Mucaaradku sheegeen inay guddida xukuumadda Somaliland u qaabilsan wada hadalka doonayaan inay la kulmaan si ay wixii tallooyin ah ee ay hayaan ugu gudbiyaan, taas oo ay guddidu aqbashay, isla markaana ay dhegeysteen Axsaabta qaranku tallooyinka iyo soo jeedimaha ay hayaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews