Araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qanbi

Hargeysa (ANN)- Kulan wada-xaajood ah oo khuseeya maamulka arrimaha dhulka iyo danta guud, ayaa dhexmaray Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi iyo maayirrada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.


Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ee caasimadda Hargeysa, waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddida Naqshadaynta Qaranka, iyadoo uu shirku ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan saxaafadda loo ogolayn.
Hasayeeshee, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa kulankan lagaga wadahadlay sidii maamulka Hawlaha Guud iyo Maayirrada magaalooyinka Somaliland ay u yeelan lahaayeen wada-shaqayn, isla markaana loo abuuri lahaa madal-wadashaqayneed oo dhexmartay dawladaha hoose iyo Guddida Naqshaqadaynta ee ay hormuudka u tahay Wasaaradda Hawlaha Guud.

Muddada saacadaha ah ee uu shirku socday, waxa kaloo lagu lafa-guray qodobbo kala duwan oo khuseeya nidaamka wada-shaqayneed ee loo baahan yahay iyo hababka loo dhaqan-gelin karo waxyaabaha laga wada shaqayn karo, haddii ay noqoto dhinaca shuruucda iyo shaqadaba.
Ugu danbeyn, kulankan waxa la iskula afgartay sidii loo sii anbaqaadi lahaa, loogana doodi lahaa waxyaabihii kulankan ka soo baxay, isla markaana maayirrada magaalooyinka dalka iyo Guddida Nashqadeynta Qaranku u wada yeelaan lahaayeen kulanno joogta ah oo ay martigaliso Wasaaradda Hawlaha Guud.
Geesta kale, shirkan ka qabsoomay xarunta Hawlaha Guud ee caasimadda Hargeysa shalay, waxa lagu beegay muddo hore loogu qabtay maayirrada dalka inay ku soo gudbiyeen hawlaha danta guud iyo dhulka ay hayaan ugu dambayn 15 January 2018, waqtigaas oo ku buuxay Isniintii shalay oo ah maalinta kulanku qabsoomay.
Sidaana waxa lagu sheegay wareegto uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cabdirashiid Qambi taariikhdu markay ahayd 3 January 2018, taasoo maayarrada dalka lagaga xarrimay dhammaan hawlaha la xidhiidha arrimaha dhulka bannaan ee magaalooyinka Somaliland.
Wareegto Wasiirka Hawlaha Guud ku socodsiiyey maayarrada magaalooyinka, badhasaabadda gobollada iyo taliska ciidanka booliska Somaliland oo xambaarsan amarro adag oo ku wajahan arrimaha dhulka, waxa ay u dhignayd sidan:
“Waxa la amrayaa dhammaan maayirrada magaalooyinka, gudoomiyayaasha gobollada dalka. Waxa la ogeysiinayaa mulkiilayaasha dhulka beeraha ah ee magaaladu gaadhay, Agaasimaha Guud ee WHG/DH & Guriyaynta, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Heer Qaran ee Nashqadaha Dhulka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in maanta laga bilaabo la joojiyey sharciyaynta iyo qorshaynta dhulka bannaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danta guud.
Wasiirka WHG/DH/Guriyeynta, ahna Guddoomiyaha Gudiga Qaranka ee Naqshadaha Guud iyo Guddoomiyaha Guddida Dib-u-soo-celinta Gacan-ku-haynta iyo Tasarufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda;
Markaan arkay: Qodobka 3aad, 4aad iyo 5aad ee Xeerka Dhulka, Xeer No. 17/2001.
Markaan arkay: Qodobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo tilmaamaya jago-bixinta ka reebban dawladaha hoose, faqraddiisa 1-aad & 2-aad oo u dhigan sidan: ‘Maamulka dawladdaha hoose waxa ka reebban inay bixiyaan dhul ku yaal meelaha: macdanta, dhul-bereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyey.’
Markaan arkay: Qodobka 43aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, faqraddiisa 2aad ee qeexaya waxa ka reebban guddi-hoosaadyada, una qoran sidan: guddi-hoosaadyada golaha degaanka waxa ka reebban inay saxeexaan dukumanti la xidhiidha
• Dhul-bixinta
• Mulkiyadaha Dhulka
• Waraaqaha caddaynta, xaqiijinta, hubinta iyo ansixinta soo-eegis dhul.
Markaan arkay: Xeerka Madaxweynaha ee summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014 ee soo celinta, gacan-ku-haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda.
Markaan ku qancay: Boobka iyo weerarka lagu hayo dhulka danaha guud iyo guryaha dawladda.
Waxaan soo saaray go’aannadan:
1. Waxaan joojiyey laga bilaabo maanta [3 January 2018] qorshaynta iyo sharciyaynta dhulka bannaan iyo beeraha.
2. Dawladaha hoose ee dalka waxa ka reebban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta oo uu yahay sida ku cad: Qodobka 3-aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer No. 17/2001.
3. Waxa ka reebban dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadweynaha.
4. In aan la iibin karin, la hibayn karin, laysku wareejin karin, lana dhalan rogi karin dhismayaasha dawladda, sida ku cad wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dib-u-soo-celinta gacan-ku-haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda, ciddii ku kacda arrimaha qodobkan ku qoranna kuma yeelan doonto magdhaw xukuumadda.
5. Masuuliinta ku xadgudba arrimaha dhulka waxa qaban doona xeerka ciqaabta ee ku xusan Xeerka Dhulka, Xeer No.17/2001, Qodobkiisa 29-aad, faqraddiisa 1-aad iyo faqraddiisa 2-aad.
Qoraalkani wuxuu dhaqangelayaa maanta ay taariikhdu tahay 3/01/2018 [shalay], sidaa darteed waxa lagu wargalinayaa dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso digreetadani iyo mulkiilayaasha beeraha inay dhawraan, isla markaana ilaaliyaan sharciga iyo xeerarka dalka u yaal.”
Sidoo kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ku amray maayarrada dalka inay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan wasaaraddiisa naqshadaha magaalooyinka kala duwan ee ay xukumaan.
“Waxa la amrayaa dhammaan Maayirrada magaalooyinka, Guddoomiyayaasha Gobollada dalka, waxa la ogeysiinayaa Agaasimaha Guud ee W/HG/DH & Guryaynta, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Heer Qaran ee Nashqadda Guud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;
In maanta [shalay] laga bilaabo dawladaha hoose soo gudbiyaan naqshadaha guud ee magaalooyinka ay xukumaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Anigoo tixraacaya warqadda summaddeedu tahay JSL/XM/WAREEGTO/01/122017, kuna taariikhaysan 14/12/2017, ujeeddadeeduna ahayd in maamulka dhulku yahay mandate-ka (shaqada) Wasaaradda Hawlaha Guud, kana soo baxday xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, si loo dardargaliyo waajibaadka iyo adeegga shaqo ee wasaaraddu u qabato shacbiga Somaliland, iyada oo la raacayo, laguna dhaqmayo xeer No. 17/2001 Xeerka Sharciga Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, lana fulinayo wareegtadii Madaxwaynaha ee dib-u-soo-celinta gacan-ku-haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda. Sidaa awgeed, waxa la idinku wargelinayaa inaad soo gudbisaan naqshadaha magaalooyinka iyo liiska dhulka danaha guud ee aad haysaan idinka oo u kala saaraya:
1. Danaha guud ee aad kala wareegteen golihii degaanka ee idinka horreeyey.
2. Danaha guud ee idiin soo xarooday muddadii aad xilka hayseen.
3. Magacyada cidda iska leh beeraha ay ka soo xaroodeen danaha guud iyo beer kasta cabbirka dhulka ee laga jaray iyo naqshadahooda.
4. Degmada/waaxda ama goobta ay ku taal.
5. Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo tafaasiishooda idinkoo u kala tixgelinaya
• Goobaha cibaadada (masaajidada iyo malcaamadaha)
• Goobaha waxbarashada (noocyada kala duwan ee dugsiyada iyo jaamacadaha)
• Goobaha caafimaadka (cusbitaallada iyo MCH)
• Saldhigyada booliska, xabsiyada iyo wixii la mid ah.
Sidaa daraadeed, waxa maayirrada mar labaad lagu adkaynayaa in ay hawshan ku soo dhammaystiran ilaa 15/01/ 2018 (oo ku beegnayd Isniintii shalay), iyaga oo hal nuqul oo danaha guud ah ku xaraynaya xafiisyada WHG/DH/Guriyaynta ee gobol ama degmo, mid kalena soo gaadhsiinaya xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud.
Waxa xusid mudan in aynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in qof kale aan loo siin karin dan gaar ah),” ayuu Wasiir Qambi ku yidhi wareegtadiisa.