نتيجة اجتماع مغلق بين الرئيس فارماجو ورئيس جوبالاند أحمد مادوبي

Araweelo News Network

 

Dhuusamareeb(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaaalka ah ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Dhusamareeb, ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kulka oo ahaa mid labada hoggaamiye Albaabadu u xidhnaayeen oo aannay cidna ku wehelin, ayaa u muuqda mid lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay doorashadii Jubbaland ee Axmed Madoobe ku guulaystay August 2019, taas oo dawladda Federaalka ah ku gacansadhay.

AKHRI: Jubbaland Oo Axmed Madoobe Oo Dib Loo Doortay Iyo Kooxda Xiddig Oo Ku Dhawaaqay Madaxweyne

Kulanka, ayaa kusoo beegmay xilli ay hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya oo ku shirayay halkaa ay wejiga labaad ee shirkooda ugu baaqeen in ay kasoo qaybgalaan madaxda dawladda Federaalka, waxaana ajiibay baaqa Madaxweyne Farmaajo, ra’iisal wasaare Khayre, ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Garyaqaan Mahdi Guuleed (Khadar), iyo weliba guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo guddoomiyaha Komishankadoorashooyinka, walaw guddoomiyaha Baarlamaanku sheegay in aannu ku metelin shirkaa oo aannay aqbalayn wixii kasoo baxa.

Ma jiro waax war ah oo kasoo baxay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed madoobe, balse Agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye, ayaa sheegay qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu ku baahiyay in kulanka maanta uu yahay mid aan wax badan lagaga hadlin ee uu gogol-xaadh u yahay  wadahadallo lagu xalinayo khilaafka labada dhinac, wuxuuna xusay in kulanka maanta ahaa salaan keliya, isla markaana la doonayo in la sameeyo kulamo wadahadal toos ah oo meesha lagaga saarayo khilaafka muddada u dhexeeyay Dawladda Federaalka ah iyo maamul gobolleedka Jubbaland.

AKHRI: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aanka Shirka Dhuusamareeb Ee Maamul Gobolleedyada

Khilaafka labada dhinac ayaa si weyn usoo ifbaxay markii doorashadii August ee kal hore lagu doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, iyadoo laga guuldaraystay qorshe dawladda Madaxweyne Farmaajo ku doonaysay inuu daaqada ka baxo Axmed Madoobe, waxayna markaa kaddib Dowladda Federaalku si cad u sheegatay in aannay aqlayn natiijada doorashadda, balse ugu danbayntii badhatamihii Jun 2020, ayay xukuumadda Federaalka Soomaaliya sheegtay in Axmed Madoobe muddo xileed laba sannadood ah ay u aqoonsatahay si ku meelgaadh ah inuu ahaado Madaxweynaha Jubbaland, taas oo Axmed Madoobe ganafka ku dhuftay.

 

Dawkadda Federaalka, ayaa ku guulaysatay in hoggaamiyayaashii kale ee maamul goboleedyada ay ka saarto saaxada siyaasada marka laga reebo Axmed Madoobe oo ka ugu gacanta kulul xagga dawladda Federaalka, waxayna kulanka Dhuusamreeb hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada iyo madaxda dawladda Federaalku kaga wadahadlayaan sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd, ama wixii laga yeeli lahaa mudada xukuumadda ee dhammaandka ah, iyadoo maalinta beri ah la filayo in kulanka arrimahaa lagaga hadlayaa dib uga furmo magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamul goboleedka Galguduud ee martigelisay shirkaa.