Hargeysa (ANN)- Guddida ay Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u xilsaareen inay ka soo talo-bixiyaan muddo-kordhinta loo samaynayo Golaha Wakiillada, ayaa shirar wada-tashi ah la qaatay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.


Kulankan wada-tashiga ah oo ka qabsoomay xarunta Golaha Guurtida ee Caasimadda Hargeysa , waxa ay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran u gudbiyeen Guddida Guurtida ah talooyin la xidhiidha caqabadaha sababay dib-u-dhaca ku yimi doorashada Golaha Wakiillada ee u muddaysan inay qabsoonto 29 March 2019, halka ay sidoo kale u gudbiyeen heshiis ay xisbiyada qaranku hore iskula qaateen oo ah in aanay doorashada Golaha Wakiilladu dhaafin sannadkan lagu jiro ee 2019-ka.


“Waxa maanta nalooga yeedhay Xarunta Golaha Guurtida oo u yeedhay saddexda xisbi qaranba, waxna naga weydiinayey ra’yiga iyo talada uu xisbi walba gaarkiisa waxa uu uga qabo xiliga ugu habboon ee ay la tahay in la qabto doorashada Golaha Wakiillada. Anagu haddii aannu nahay xisbiga KULMIYE, waxa aannu u gudbinay) talada, figrada iyo go’aanka aannu xisbi ahaan qabno, muddo dheerna aad saxaafadda ka maqlayseen oo ah doorashadaas Golaha Wakiilladu aad ayey innoogu muddo-dhaaftay, waanay jiitantay oo in badanna dib ayaa loo dhigay sababo ay yeelatayba ama sababayba (mawqifka aannu gudbinaynaynaa waa) in aanay innagu dhaafin sannadkan lagu jiro ee 2019-ka oo xiligaas lagu qabto, taas ayaannu go’aanka xisbiga KULMIYE yahay, taladaas ayaanan u sheegnay Golaha Guurtida.” Sidaa waxa yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa madaxda xisbiga KULMIYE ee kulanka la qaatay Guddida Golaha Guurtida ah oo saxaafadda la hadlay markii shirku dhammaaday.
Waxa uu sheegay in doorashada Golaha Wakiillada oo qabsoonta inta aannu dhammaan sannadkan 2019 ay dan weyn ugu jirto dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Taasi waa u dan dalkeena, taasii oo Adduunyada (saaxiibada caalamka) ee arkaya in doorashooyinkeennu ay aad dib ugu dhaceen, ay si aad iyo aad ah innoogu waaninayaan, talona innagu siinayaan doorashadaasi in aanay sannadkaas (2019) inala dhaafin, markaa runtii go’aankaas oo aannu xisbi ahaan ka aannu qabnay ah, isla markaana ahaa go’aan aannu saddexda xisbi qaran isla qaadanay, markii aannu aragnay in aanay doorashadu qabsoomayn oo ay dhaafayso, dibna uga dhacayso xiligii loogu talogalay ee 29 March 2019-ka oo aannu isla qaadanay in aannay doorashadu dhaafin sannadkan 2019-ka.”
Waxa kaloo uu sheegay inay ka codsadeen Golaha Guurtida Somaliland inay tix-geliyaan go’aanka ay saddexda xisbi qaran isla qaateen, Beesha Caalamkuna taageersan tahay ee ah in aanay doorashadu dhaafin dabayaaqada sannadkan 2019.
“Golaha Guurtidu maadaama ay iyagu sharciyan leeyihiin go’aanka ugu dambeeya, in ay tix-geliyaan go’aankaas (ah in doorashadu dhacdo sannadkan 2019) oo ay ku tix-geliyaan rabitaanka shacbigeenna, rabitaanka Axsaabta Qaranka, rabitaanka Xukuumadda oo intuba odhanaya ama uu yahay in aanay doorashadaasi innagu dhaafin sannadka 2019-ka.”