Araweelo News Network

Dhuusamareeb(ANN)-Madaxda Maamul gobolleedyada Soomaaliya ee ku shirayay maalman magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, ayaa soo saaray War-murtiyeed ay Madaxda Dowlad gobolleedyada iyo dawladda Federaalka Soomaaliya isku raaceen.

 

Warmurtiyeedka maanta kasoo baxay dhuusamareeb  oo ay dhinacyadu iskula  meel-dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay, iyadoo lagu xusay war-murtiyeedka in la saaro si loo hirgeliyo qodobada kasoo baxay shirka guddi lagu wada kalsoonyahay oo ah guddi farsamo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Xubnaha ka ah, ayaa sheegay in xubnaha guddidu ka soo baaraandagi doonaan talooyin la xadhiidha hannaanka iyo habsami-u-socodka doorashooyinka dalka ka qabsoomi karta iyo qaabka loo qabanayo.

Waxa kale oo ay dhinacyadu isla qaateen in shirka labaad la isugu yimaaddo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah; si loo dhammeystiro geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, sida lagu sheegay War-murtiyeedka, walaw aan lagu xusin war-murtiyeedka laga heshiiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa oo ah qodobka khilaafka ugu weyni ka taagan yahay wakhtigan.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kahyre, Madaxweynaha Galmudug oo isagu gogosha shirka dhigay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagaren), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Halkan ka Akhri Warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb