Xasan sheekh iyo amiirka Qadar
Doha(ANN)Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalay shirkii hoggaamiyayaasha Carabtu ku lahaayeen Magaalada Sharmel Sheikh ee dalka Masar, ayaa u gudbay Magaalada Doxa ee dalka Qadar.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kulan saacado baddan qaatay oo Albaabada loo xidhay la yeeshay Amiirka waddanka Qadar Shiiikh Tamim Bin Hamad Al Thani, iyadoo Madaxweyne Xasan xubnaha la socday sheeda ka arkayeen muuqaalka Madaxweynaha iyo Amiirka oo ay hareeraha ka fadhiyaan laba amiir oo ka mid ah kuwa dhaxalka qoyska boqortooyada iska leh, balse aanay waxba kala socon waxyaabaha laga wada hadlay oo lala xidhiidhiay inay ahaayeen arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo xaasaasi ah.

kulankamiirkaqadariyo madaxweynexasan
Kulankaa ka dib Amiirka Shiiikh Tamim Bin Hamad, ayaa mar kale kulan gaar ah oo aanay cidna ku wehelin la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo aan la ogayn arrimaha lagaga hadlay iyo waxyaabaha lagu soo qaaday.
Dawlada Qadar oo sannadii u danbeeyay safka hore kaga jirta dalalka shisheeye eek u loolamaya siyaasada arrimaha Somalia, ayaa gacanta ugu weyn ku lahayd guushii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Sep 2012, taas oo dawlada Qadar malaayiin dollar ku bixisay sidii uu doorashada ugu guulaysan lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaa Urur ka dilaacay Urur diimeedka Ictisaam oo la baxay Daamul Jadiid, kuwaas oo ka mid ah Ururada islaamiga ah ee ay dawlada Qadar iyo Sucuudigu taageerada dhaqaale sida hoose u siiyaan.
Xukuumaddii uu soo dhisay Madaxweyne Xasan, ayaa noqotay mid dawlada Qadar raad weyn ku yeelato, iyadoo kooxda Daamul jadiid ee salka u ahaa xukuumadda Xasan Sheekh sababeen khilaafyo siyaasadeed oo galaaftay Laba raysal wasaare mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Xasan.
Kulanka waqtigan ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qadar oo aan wax wara ah laga soo saarin, waxa lala xidhiidhiyay inuu qayb muhiim ah ka yahay awaamiir lagu siinayo fulinta qorshayaasha iyo siyaasadaha dawlada Qadar ka leedahay mandaqada geeska Afrika oo aan si dhab ah loo ogayn waxa ay yihiin, balse qayb ka ah loolanka dalalka shisheeye ee siyaasada Somalia iyo arrimaha mandaqada ee la xidhiidha danno dhaqaale, kuwo siyaasadeed, istiraatiiji iyo kuwo diimeed oo ay kala simantahay loolanka iyo collaadaha bariga dhexe iyo meelo kale oo dunida ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews