agagaarka safaradaethiopiHargeysa(ANN)Safaaradda Dalka Ethiopia ee Magaalada Hargeysa, ayaa lala hortegey cabasho la xidhiidha Fiisayaasha dal ku galka ah ee ay bixin jirtay oo hakad ku yimi, taas oo sababtay in dadweyne arrintaa ka cadhooday cabasho la hortageen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland shalay.

Arrintan ayaa timi kadib markii muddo ku siman sadex todobaad la hakiyay Fiisayaasha dalka Ethiopia ee ay bixin jirtay safaaradda Ethiopia ku leedahay Somaliland ee Magalaada Hargeysa, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn sababta dhalisay arrintaa, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa caddaysay inay kulan la yeelan doonto diblomaasiyiinta safaaradda Ethiopia Khamiista maanta, kaas oo aan natiijadiisa la ogayn.

“Waxa aannu ka cabanaynaa safaaradda Ethiopia oo muddo saddex toddobaad ah maalin kasta aannu ku noqnoqonay si aannu uga helno fiiso aannu ku galno dalka Ethiopia, iyagoo aan noo sheegin wax cad oo ay noogu diidan yihiin fiisaha, markaa waxa aannu garan la’nahay meel aannu u cararno, wasaaraddiina (Wasaaradda Khaarajiga) albaabka ayey naga xidhatay.” Sidaa waxa tidhi hooyo Faadumo Cali Xaaji Xasan oo la hadashay weriye ka tirsan wargeyska Jamhuuriya, iyadoo xustay inay doonayso sidii ay xaalad caafimaad ugu tegi lahayd Ethiopia, balse waqti badan kaga lumay raadinta fiisaha.

Mr. Maxamed Muuse oo ka mid ah dadka cabashada la hortagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda shalay, ayaa isna sheegay inay halkaa u tageen cabasho la xidhiidha arrintaa oo muddo dheer soo jiitamaysay, wuxuuna xusay in safaaradda Ethiopia aanay u sheegin sababta loo hakiyay Fiisayaasha dalkeeda lagu galo.
“Maalmo badan ayaan ku noqnoqday safaaradda si aan uga qaato Fiise aan ku tago Ethiopia, welina waxba kama helin, wax cadna nooma sheegin oo maalin walba waxay na leeyihiin iska tag maanta, wasaaradeenna khaarajiguna waxba way ka qaban la’dahay arrintaa” ayuu yidhi Maxamed Muuse oo ka mid ahaa dadkii la hadlay wargeyska Jamhuuriya.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Xasan, ayaa u sheegay Wargeyska Jamhuuriya inay arrinta Fiisayaasha lagu galo dalka Ethiopia ee Safaaradda ay ku leeyihiin Hargeysa dadka siin jirtay ka war hayaan in la hakiyay, isla markaana ay ka wada hadleen Safiirka Ethiopia, balse ma sheegin Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa xukuumadda Somaliland uga meel yaal haddii ay Ethiopia ku adkaysato in ay sidaa ku joojiso Fiisayaasha lagu galo dalkeeda.
Somaliland iyo Ethiopia, waxa ka dhexeeya Cilaaqaad ganacsi iyo iskaashi muddo dheer soo taxnaa, waana dalka Keliya ee Safaarad ku leh Somaliland tan horaantii sanadkii 2000, isla markaana Somaliland ula macaamila haykal dawladeed, iyadoo xiligaa lagu bilaabay xafiiska Safaaradda Ethiopia ee Somaliland mid ganacsi, isla markaana Diyaaradda Ethiopian Air Line duulimaadyo ka bilawday Madaarka Hargeysa, taas oo macaash weyn u noqotay. Sidoo kale Ethiopia, waxay Dekeda Berbera ee Caalamiga ah kala soo degtaa badeecado iyo Alaabooyin kale oo ay leedahay, balse xidhiidhka labada dal ee dhinaca Fiisayaasha lagu galo Ethiopia, ayaa sidan oo kale marar baddan hakad galay, iyadoo la xaliyay xiliyadaa hore.
Arrintan ayaa kusoo beegantay kadib markii Xukuumadda Somaliland dhowaan u magcawday Safaaradda ay ku leedahay Ethiopia Safiir Cusub, iyadoo safiirkii hore loo beddelay London, mana cadda in joojinta Safarada Fiisayaasha Ethiopia saamayn ku yeesheen is bedelka lagu sameeyay Safaarada Somaliland ku leedahay Addis-ababa iyo in ay jiraan arrimo kale oo aan dibadda usoo bixin weli.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

agagaarka safaradaethiopi