Araweelo News Network

Xaallada Caafimaad Ee Trump Maxay saamayn ku yeelan kartaa Tartanka Doorashada Tallaabada u horraysa November

Maalmo kooban oo todobaadyo ah, ayaa ka hadhay doorashada madaxtinimada ee waddanka Maraykanka, balse waxa su’aalo iyo doodo ka dhasheen kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ah Murrashaxa Xisbiga Republican laga helay fayriska COVID-19.

 

 su’aalaha iyo doodaha ka dhashay arrintaa ee ah maxaa dhici kara.

Waa kuwama xafladaha ololaha ee aannu madaxweynuhu ka qaybgelayn?

Mr Trump ayaa waxa ay tahay inuu iskarantiilo muddo 10 cisha oo ka bilaabanaysa maalintii laga helay cudurka Covid-19 taas oo ku beegnayd 1-da bishan Oktoobar, marka waxaa laga yaabaa inuu ka qeybgalo doodda xigta ee madaxtinimada taas oo la qorsheeyay inay dhacdo 15-ka bishan Oktoobar.

Isu soo bax Jimcihii lagu qaban lahaa Florida ayaa meesha laga saaray. Marka waxaa lagu badelay kulan dhinaca muuqaalka ah oo ay ka soo qeybgaleen madaxda sarsare ee cudurka u liita.

Mr Trump ayaa mudadaas waxaa u qorshaysnaa inuu ka qeybgalo xaflado kale, kuwaas oo haatan meesha laga saaray ama dib loo dhigay.

Maxaa sababi kara in doorashada dib loogu dhigo?

Mudada madaxweyne Trump uu karantiilka ku jiri doono ayaa dhab ahaantii waxa ay saamayn ku reebi doontaa awooddiisa ololaha.

Marka su’aasha la iswaydiinayaa ayaa ah, doorashada dib ma loo dhigi karaa, sidayse arrintaas u dhici kartaa.

Sharciga Mareykanka ayaa waxa uu qorayaa in afartii sanadoodba doorashada madaxtinimada la qabto Talaada ku xigta Isniinta ugu horraysa bisha November, marka Talaadada sanadkan waxa ay u ku aaddan tahay 3-da bisha November.

In taariikhda doorashada la badalana waa arrin u taal xildhibaannada Maraykanka, ee madaxweynaha ma badeli karo.

Arrintaasna waxa ay u baahantahay in si aqlabiyad ah ay ku meelmariyaan labada aqal ee koongareeska dalkaasi si ay u badalaan taariikhda doorashadu dhacayso. Taasna wax dhici kara ma ahan, mar haddii ay tahay in la helo codka aqalka wakiillada ee ay maamulaan xildhibaannada Dimuqraadiyiinta.

President Trump at first debate

Xigashada Sawirka, Getty Images Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump ayaa Gafuur-xidhka isagoo xidhan yimi dooddii koobaad ee madaxtinimada hasayeeshee sawir lagama qaadin isagoo xidhan Gafuur-xidhka.

 

Xitaa haddii taariikhda la badelo, dastuurka Maraykanka ayaa waxa uu dhigayaa in maamulka madaxweynaha uu ku egyahay muddo afar sanadood oo kaliya. Marka, muddo xileedka madaxweyne Trump waxa uu dhacayaa gelinka dambe ee 20-ka bisha Jan , 2021.

In taariikhdaas la bedelaana waxa ay u baahan tahay in wax laga badelo dastuurka. Arrintaasna waxa ay u baahan tahay inay meelmariyaan saddex meelood oo laba meel xildhibaannada Maraykanka ama xildhibaannada gobollada, markaas kaddibna la helo afar meelood oo saddex meel codka gobollada Maraykanka, arrintaas oo iyana ah mid aan suuragalayn.

Maxaa dhici kara haddii Madaxweyne Trump uu waajibaadkiisa gudan waayo?

Haddii madaxweynaha uu aad u xanuunsado oo uu awoodi waayo inuu waajibaadkiisa guto, dastuurka Mareykanka ayaa qoraya:

Wax ka badelistii 25-aad ee dastuurka ayaa waxa ay u ogolaanaysaa madaxweynaha inuu xilka ku wareejiyo kuxigeenkiisa, taas oo ka dhigan in Mike Pence uu noqon doono madaxweynaha xilka sii hayn doona. Markii uu caafimaadkiisa soo hagaagana Mr Trump ayaa dib ugu wareegaya booskiisa.

Trump and Marine One

Xigashada Sawirka, Getty Images Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump ayaa waxaa lagu qaaday isla Hilekobtarkii Arbacadii u raacday Hope Hicks. Hicks ayaa markii dambe laga helay COVID-19.

 

Haddii madaxweynaha uu ka soo rayn waayo oo uu awoodi waayo inuu xilka wareejiyo, golaha wasiirrada iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ayey suuragal inay ku dhawaaqaan inuu xilkiisii sii wadan waayo, markaasna Mr Pence uu xilka la wareego.

Haddii Mr Pence uu isna xanuunsado oo waajibaadkiisa gudan waayo, waxaa safka soo galaysa sida uu dhigayo sharciga dadka la wareegaya xilka madaxtinimada qorayaa Nancy Pelosi, oo ah gudoomiyaha Aqalka Wakiillada – taas oo ah xubin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga – walow khubarada dastuurka ay sheegayaan in xil wareejinta noocaas oo kale ay horseedi karto loollan dhinaca sharciga ah.

Haddii aanay Pelosi doonayn ama ay qabanwayso xilkaas, waxaa lagu wareejin doonaa Senator sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, haatanna waxaa doorkaas fadhiya Charles E Grassley oo 87-jir ah. Arrintaas ayey sidoo kale u badantahay in lagala horyimaaddo loollan dhinaca sharciga ah.

Graphic showing the key characters - Trump, Pence, Pelosi and Grassley

Weli madaxweyne xilkiisa ma gudan waayay?

1985, ayuu madaxeyne Ronald Reagan waxaa la dhigay isbitaalka si kansar looga qalo, xilkiisa ayuu ku wareejiyay ku xigeenkiisa George HW Bush.

2002 illaa 2007-dii, Madaxweyne George W Bush ayaa sidaas oo kale isna madaxweyne ku xigeenkiisa xilka ugu wareejiyay muddo kooban oo istibaalka la dhigay.

Haddii Mr Trump ay suurageliwayso inuu doorashada u tartamo, yaa booskiisa geli doona?

Haddii, sababta ay rabto ha noqotee, musharax uu xisbi u soo xushay inuu ugu tartamo xilka madaxtinimada ay u suurageli wayso inuu dowrkaas ka soo baxo, waxaa jira hab cad oo la raaco.

Walow madaxweyne kuxigeenka, Mr Mike Pence uu qaban doono howlaha madaxweynaha, haddana ma noqon doono musharaxa doorashada ee Xisbiga Jamhuuriga – maadaama ay si rasmi ah arrintaas ugu magacaabeen Mr Trump.

Sida uu dhigayo sharciga xisbiga, 168-ka xubnood ee ka tirsan Golaha Qaran ee Jamhuuriga ayaa waxa ay u codayn doonaan musharaxa cusub ee madaxtinimada, iyadoo Mike Pence ay u badan tahay inuu musharaxnimadaas ku guulaysto.

Haddii Mr Pence la doorto waa in kuxigeen cusub la soo magacaabaa.

Pence wears mask

Xigashada Sawirka, Getty Images Qoraalka sawirka, Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Penc ayaa xilka la wareegi doona howlaha madaxweynaha hasayeeshee ma noqon doono musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Jamhuuriga

 

Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta ayaan weligood badelin musharax madaxweyne kaddib markii si rasmi ah loo soo doorto.

Xiggasho: BBC