Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Ambassador Allen C. Lo, oo ah Safiirka Dalka Tawian u jooga Somaliland.

Alt, araweelo news network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  Iyo Safiirka Taiwan Ambassador Allen  qasriga Madaxtooyadda 26 Oct 2020. Araweelo News Network.

Kulanka oo aan la ogayn arrimaha lagaga wada hadlay, isla markaana ahaa mid Albaabada loo xidhay, waxa markii uu dhamaaday qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda lagu xusay arrimaha lagaga wada hadlay.

Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhat shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

Alt, araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  Iyo Safiirka Taiwan Ambassador Allen  qasriga Madaxtooyadda 26 Oct 2020. Araweelo News Network.

Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii dalka Taiwan uga caawin lahaa Dalka Somaliland mashaariicda biyo balaadhinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xidheenada ama dhaamamka iyo sidii dalalka Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashadda oo dalka Taiwan uu Jamhuuriyadda Somaliland ka gacan siiyo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho billaash ah (Scholarships).

Alt, araweelo news network

Safiirka Taiwan Ambassador Allen iyo Dublamaasiyiinta Taiwan oo qasriga Madaxtooyadda Somaliland ku sugan 26 Oct 2020. Araweelo News Network.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.

 

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.