Araweelo News Network

Somaliland President Ahmed Silanyo meeting Mr. Michael Keating

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay Mr. Michael Keating.

Kulankaasi ka dib waxa saxaafadda warbixin ka siiyey wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, iyo Ergeyga qaramada midoobay, iyadoo saxaafaduna su’aalo ka waydiisay ujeedada socdaalkiisa iyo arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Mudane Axmed Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Halkan ka Daawo.