XasansheekhiyocirroAnkara (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ayaa Dawladda Turkigu si wadajir ah ugu marti qaaday dalkeeda.

Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland, ayaa qayb ka ah masuuliyiin iyo madax baddan oo ka qaybgala xus ballaadhan oo dalkaas ka dhacaya 24 April ilaa 25 April oo ku beegan maalmaha Jimcaha iyo Sabtida. Sidaana waxa lagu shaaciyay warbaahinta dalka Turkiga oo baahisay in ka badan Madaxweynayaasha 20 dal oo caalamka ah, guddoomiyeyaal Baarlamaan oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ka mid yahay, wasiirro, Dublamaasiyiin iyo madax sare oo ka socda dalalka adduunka, kuwaas ka qaybgalaya xuska sannad-guurada 100-aad ee ka soo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka oo Turkigu qayb ka ahaa, iyadoo xuskaa oo socon doono muddo laba maalmood ah baroordiiq loogu samaynayo dadkii ku haligmay dagaalka.

Sida ay sheegayaan xoggo iyo ila wareedyo kala duwan oo laga helay dalka dad ku sugan dalka Turkiga oo aan ka fogayn goobta lagu qabanayo xuskaa, waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), la dejiyey hudheel qudha, iyadoo sida ila wareedyadu sheegayaan ay dawlada Turkigu casuumada labada masuul uga faa’idaysanay arrimaha siyaasadeeda ku waajahan Somalia.

Labada masuul ee Madaxweynaha Somalia iyo Guddomiyaha WADDANI, ayaa sida xoggaha ka ag dhow oo shebekadda Araweelo News Network ka heshay sheegayaan loo bandhigay qorshaha siyaasadeed ee mustaqbalka dhaw iyo ka fog ee Turkigu ka leeyahay Somalia iyo sidii ay labadoodu uga wada socon lahaayeen qorshahaa, isla markaana u wada fulin lahaayeen, maadaama wadahadaladii labada dhinac ee Xukuumadda Somaliland iyo Somalia ee ka socday dalka Turkiga hagaaseen oo ay noqdeen kuwo isa soo xidha. Sidaa awgeed Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaardka ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu noqdo mid qorshahaa fulinaya dhinaca Somaliland, maadaama uu yahay hoggaamiye feker ahaan iyo siyaasad ahaan ka duwan xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, kaas oo dawlada Somalia ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh iyo xukuumadda Turkigu u rakaan mid gooni goosadka ku dhegan, taas oo sabab looga dhigay fashilka ku yimi wadahadaladii labada dhinac u socday.
Sida ay sheegayaan xoggaha Araweelo News Network ka heshay kulankaa ee la xidhiidha arrimahaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo si laab furan usoo dhoweeyay qorshaha iyo soo jeedinta siyaasada ku waajahan Somalia ee mustaqbalka dhow iyo ka fog, ayaa ku taliyay in Guddoomiye Cirro oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee WADDANI lala barbar istaago dhaqaale iyo taageero siyaasadeed oo ku jihaysan dhinaca dalalka Carabta, taas oo ay Dawlada Turkigu balanqaaday.
Sidoo kale tibaaxaha laga helay kulanka qorsoon ee ay yeesheen labada hoggaamiye, ayaa sheegaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh dhinaciisa kala shaqaynayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro in Dalka Qadar oo dawlada Somalia ee uu hoggaamiyo dusha ka maamusha, isla markaana dhaqaale malaayiin dollar ah ku bixisa uu dhowaan u gudbinayo si loo meel mariyo qorshahaa sidii ay taageero dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed u siin lahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka Somaliland ee WADDANI, si uu mustaqbalka dhow uga guulaysto doorashooyinka aan weli la meel dhigin ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland, iyadoo Guddoomiye Cirro sheegay in haddii uu taageero dhaqaale oo buuran ka helo xaggooda, isla markaana qorshe dublamaasiyadeed oo hoose ay Turkiga iyo Qadar ku taageeraan inuu ku guulaysanayo fulinta iyo meel marinta qorshahaa.

Guddoomiyha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa kulan sidan oo kale ah la yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh sannadkii 2013, balse kulankaa iyo mid kale oo dhexmaray Haweenaydii xiligaa ka ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, wuxuu Guddoomiye Faysal oo dhaleecayn weyn kala kulamay rayalcaamka bulshada Somaliland ku tilmaamay inuu ahaa mid salaan keliya ku koobanaa oo aan xidhiidh la lahayn arrimo siyaasadeed. kadib markii Xukuumadda Somaliland Guddoomiye Faysal ku eedaysay khiyaamo qaran kulanka uu la yeeshay madaxda Somalia oo kusoo beegmay xiligii ay socdeen wadahadaladii labada dhinac.

Hase yeeshee kulanka xiligan ee Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa ah mid ka duwan  kulanka Guddoomiyaha UCID iyo Madaxweynaha Somalia xiligaa dhexmaray, waxaana  kulanka Guddoomiye Cirro iyo Madaxweynaha Somalia ee Ankara salka ku hayaa siyaasado aan si weyn usoo shaac bixin, iyadoo  dawlada Turkigu qayb ka ahayd, isla markaana lala xidhiidhinayo in ay ku lug lahaayeen dublamaasiyiin ka socday dalalka carabta qaarkood, kuwaas oo aan tiradooda iyo dalalka rasmi ahaan ay u dhasheen  aanay weli soo ifbixin.

Si kastaba ha ahaatee  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku guuldaraysatay in ay wax ka oggaato qorshaha siyaasadeed ee saddex geesoodka ah, kaas oo marka laga yimaado tobaaxaha iyo xoggaha Araweelo News Network ay ka heshay dhinaca Ancara, ay jiraan tobaaxo iyo xoggo siyaabo kala duwan warbaahinta qaarkeed u baahiyeen arrimaha kulankaa oo ahaa mid qarsoodi ah, isla markaana ujeedooyinka lagaga hadlay u muuqdaan kuwo manja xaabinaya siyaasada iyo mabaadiida salka u ah jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, balse waxa la eegayaa jawaabta ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ku mashquulsan boobka khayraadka dalka iyo Qandaraasyada mashaariicda eexda iyo qaraaba kiilka ku dhisan ka bixiso arrinta Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.