Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray qodobo kala duwan oo saamayn ku yeelanaya wadahadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale oo khuseeya mashaariicda ay dawladda Somalia saxeexdo.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay Hay’addaha qaramada midoobay ee ku sugan dalka iyo qaabka ay u fuliyaan mashaariicda soo mara dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa kale oo lagaga hadlay safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka ee Somaliland hawlaha shaqo u yimaada iyo hay’addaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Somaliland.

Fadhiga golaha Wasiiradda oo uu Madaxweynaha ku weheliyay guddoomintiisa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulankaa kadib oo nuqul ka kid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, Golaha Wasiirada waxay is-dultaageen muhiimadda ay wadahadaladu u leeyihiin nabadgelyada mandaqada geeska Afrika iyo wada noolaanshaha labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna xuseen in heshiisyadii ka soo baxay wadahadaladii hore u dhexmaray labada dhinac ee ay dawladda Soomaaliya ka gaabisay hirgalintooda.

1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’addaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’adduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso.

Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo inay doorashooyinku qabsoomaan.” Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhammaad.