milateriga somaliaMogadishu (ANN)Maxkamadda ciidammada ee dawladda Soomaaliya, ayaa amar iyo digniin culus u dirtay saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya, isla markaana fartay inay wax ka qabtaan falalka xun ee askartoodu sameeyaan,
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee ciidammada Soomaaliya Mr. Xasan Cali Shuute oo hadal ka jeediyey xukun lagu riday askar dambiyo kala duwan lagu helay maalintii Sabtida, ayaa sheegay in saraakiisha ciidammada lagula xisaabtami doono haddii askartoodu dhac u gaystaan dadka shicibka ah, kadibna baxsadaan.
“Saraakiisha ciidammada qalabka sida waxa laga rabaa inay soo qabtaan, maxkamadana hor keenaan askarigii ku kaca fal-dambiyeed ka dhan ah shacabka, sarkaalkii sidaas sameyn waaya isaga ayaa loo ciqaabayaa dambiga uu geystay askariga uu taliyaha u ahaa,” ayuu yidhi guddoomiye Shuute.
Waxa kaloo uu xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan tahay sidii loogu adkayn lahaa taliyeyaasha ciidammada inay qabtaan askarta ka amar qaata ee fal-dambiyeedyada geysta, isagoo ku hanjabaday in saraakiisha lagala xisaabtami doono dambiyada askartoodu sameeyaan haddii aanay wax ka qaban.
Guddoomiyaha Maxkamadda darada 1aad ee ciidammada Soomaaliya, ayaa sidoo kale uga digtay askarka falalka dhaca ah u gaysta dadka rayidka ah in aan laga hadhi doonin, lagalana xisaabtami doono arrintaas.
Dhaca iyo boobka askarta ciidammada dawladda Soomaaliya u gaystaan dadka shicibka ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyey aad u kordhay, arrintaasoo weji-gabax iyo fool-xumo ku ah dawladda fadhigeedu yahay Muqdisho ee lagu ilaaliyo kaarayaasha AMISOM.
Maxkamadda darajada 1aad ee ciidammada Soomaaliya, ayaa xukunno dhaadheer ku riday askar lagu helay dambiyo la xidhiidha inay falal dhac ah u gaysteen dad rayid ah, iyado arrintaasina keentay in maxkamaddu u dirto hanjabaad saraakiisha maamula ciidammada Soomaaliya.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com