Dubai (ANN)-Shirkadda DP World, ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta oo maamusha in ka badan 78 Dekedood oo ku yaal 42 dal, ayaa sheegtay inay ku guuleysatay kiis dacwadeed ay ka gudbisay Dawladda Djibouti oo ay isku maan-dhaafeen maamulka Dekedda Doraleh oo ay maal-gelisay DP World. February 2004. labada dhinac kala saxeexdeen heshiis 30 sannadood ah.

Qoraal War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda DP World, ayaa lagu sheegay in koox garsoorayaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay Maxkamad fadhigeedu yahay London ka garsoorta dacwadaha caalamiga ah ay amar ku siiyay dowladda Djibouti, inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’idadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada dhinac kala saxeexdeen sanadkii February 2004, ama in ay bixiso Dawladda Djibouti dhammaan khasaarihii kasoo gaadhay shirkadda DP World.

Shirkadda DP World, ayaa sheegatay in lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Maraykanka ah ay ku khasaartay tan iyo markii ay dowladda Djibouti kala wareegtay maamulka dekedda Doraleh February 2018.

Qoraalka DP World, ayaa lagu sheegay in garsooreyaasha go’aankan soo saaray u cuskadeen in dowladda Djibouti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekedda bishii February ee sanadkii 2018-kii.

Xukuumadda Dalka DJibouti, ayaan wax jawaab ah ka bixin go’aanka Maxkamadda, walaw ay horre u diiday go’aamo kasoo baxay Maxkamadda. Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa horre u sheegay in Djibouti leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World in aanay ka shaqaynayn danaha dekeddaha Djibouti, taasna ay sabab u ahayd inay la wareegaan maamulka Dekedda Doraleh, saamigoodiii waanu u oggolahay, balse waa in la’isku ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay” ayuu yidhi, Madaxweyne Geelle, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC, June, 2018, isagoo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay dacwadda u dhaxeysa dowladdiisa iyo shirkadda DP World.


“Hase ahaatee, ilaa hadda, Djibouti, waxay dhagaha ka fureysatay dhammaan go’aannada kasoo baxay maxkamaddaas, iyadoo la ogyahay in heshiiska hore iyo qandaraaskaba ay ku saleysnaayeen sharciga Ingiriiska”, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka DP World.


Qandaraaskii ay labada dhinac galeen markii ugu horreysay wuxuu ahaa in DP World ay gacanta ku heyso maamulka dekedda Doraleh, sida lagu xusay war-saxaafadeedkan ugu dambeeyay.


Go’aanka dowladda Djibouti ay maamulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu sheegtay inay dhiseyso Dekedda Berbera ee ay maamusho jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga faa’iideysataan Ethiopia iyo dalalka kale ee aan lahayn dekeddaha ee Bariga Afrika.


Badeecaddaha Ethiopia, 95% waxay soo maraan dekeddaha Dalka Djibouti, waxayna Tallaabadaa maal-gelinta Dekedda Berbera Djibouti u arkeysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Ethiopia.

Shirkadda DP World, ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegtay in dowladda Djibouti ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro kasoo baxay maxkamadda, balse ay hadda sugayaan jawaabta ay dowladda Djibouti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay maxkamadda soo saartay.