Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa go’aan la xidhiidha qaabka ay noqonay doorashada golaha wakiillada Somaliland kasoo saartay, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay qoraal 12 August 2020.

 

Qoraalka Madaxweynaha oo ku taariikhaysnaa 12/08/2020, isla markaana summadiisu ahayd JSL/XM/MS/100-545/08/2020, wuxuu Madaxweynuhu u cuskaday dastuurka iyo qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/05.

 

Hase yeeshee Maxkamadda Sare oo jawaabaysay qoraalka Madaxweynaha, ayaa soo saartay go’aan ay ku sheegtay in uu yahay mid jawaab u ah qoraalka Madaxweynaha ee la xidhiidhay muranka doorashada.

 

Go’aanka Maxkamadda oo nuqul kamid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-