Somalilàndhaweenay xijaaban:Hargeysa(ANN)Maxkamada Degmadda Gobolka Hargeysa, ayaa xukun kala duwan ku rida Haweenay lagu magcaabo Sacdiya sheekh Yuusuf Wardheere oo lagu eedeeyay inay si khaldan ugu faafinaysay Diinta Bulshada ku dhaqan caasimadda Somalilànd ee Hargeysa.

guddoomiyaha Maxkamàdda Cabdirashiid Beer-Beer Geel, ku dhawaaqay go’aanka xukunka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in Maxkamaddu ku xukuntay Haweenaydaa màgaceedu yahay Sacdiya Sheekh Yuusuf Wàr-dheere sanad xadhig ah, hal milyan oo lacàgta Somaliland oo ganaax ah iyo in la masaafuriyo marka ay dhamaysato xukunkaa oo loo masaafuriyo dalka Somalia ee ay ka timi.
Garsooraha ayaa sheegay inay haweenaydan Diinta islaamka si khaldan u adeegsanaysay, isla markààna waxa uu sheegay in waxyaabaha ay faafin jirtay ay ka mid ahaayeen in dadka dawlada u shaqeeyaa lacagta ay qaataan xaaraan tahay. Sidoo kale waxa lagu eedeeyay inày Faal iyo waxyaabo kale oo diinta Islaamku aanay ogolàyn ku shaqaynaysay, iyàdoo garsooruha Maxkamàddu sheegay in eedaha kale ee loo haystay ay ka mid ahaayeen inày qoysas iska hor keentay, iyadoo adeegsaay waxyaabo aanay Diinta Islaamku ogolàyn.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews