Araweelo News Network

Michael Keating

Muqdisho(ANN)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterras, ayaa la filayaa inuu dhawaan beddelo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo dublamaasiyadeed, ayaa sheegay in danjire Keating ay suurtagal tahay in xilka laga qaado marka la gaadho Bisha November ee sannadkan 2018.

Danjire Keating oo ah Wakiilka Ergayga khaaska ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu xilkaa hayay saddex sannadood oo uu ahaa ergayga Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa sheegay in danjire Keating uu doonayay in Qaramada Midoobay ugu darto wakhti kale shaqada uu hayo, laakiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sida ay sheegayaan ilo wareedyada dublamaasiyadeed  go’aansaday in danjire Keating la bedelo marka uu dhammaysto saddexdiisa sannadood oo ku eeg bisha November ee sannadkan 2018.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey danjire Keating ku eedaysay inuu xasarad siyaasadeed oo aan jirin ka abuuro Muqdisho, waxayna ku eedeeyeen inuu Mr. Keating caan ku yahay inuu dhegaysto afkaarta siyaasadeed ee siyaasiyiinta Muqdisho ee mucaaradka ku ah dawladda Federaalka.

Iyadoo Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ugu yaraan laba goor oo kala duwan dacwad ka gudbisay ergaygan, taas oo ay gudbisay  magaalada New york ee xarunta Qaramada Midoobay.

Ilaha dublamaasiyadeed, ayaa tibaaxaya in la filayo in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu bdelka Ergayga Soomaaliya u magacaabo diblomaasi Ingiriis ah oo Qaramada Midoobay xiligan wakiil uga ah dalka Koonfurta Suudaan.

Diblomaasiga la filayo in loo magacaabo Arrimaha Somaliland Iyo Soomaaliya. danjire Nicholas Haysom ayaa sidoo kale haysta dhalashada dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay diblomaasi sumcad ku leh Qaramada Midoobay dhexdeeda.

Danjire Nicholas, ayaa haddii xilkaa loo magcaabo noqonaya dublamaasigii saddexaad ee  Ingiriis ah oo mudadii dhawrkii sannadood ee u dambeeyaan u dhashay Dalka Britain ee Qaramada Midoobay u magcawdo Somaliland Iyo Soomaaliya, kuwaas oo kala ahaa Danjire Keating oo hada xilkaa haya Iyo kii ka horeeyay Mr. Nicholas Kay oo labaduba u dhashsay dalka Ingiriiska.