Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo qaabka uu doonayo inuu Xisbiga KULMIYE, kusii jirayo mustaqbalka.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay shirweynaha Afraad ee Xsibiga oo galay maalintii labaad, kaddib markii 806 (siddeed boqol iyo lix) Ergay oo madasha fadhiyay, isla markaana metelayay gobolada iyo deegaamada Somaliland oo dhan u doorteen cod gacan-taag ah hoggaanka Xisbiga shanta sannadood ee soo socda Madaxweynaha iyo Afar xunood oo kale.

Hadal kooban oo Madaxweyne Muuse Biixi markii dib loogu doortay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka jeediyay madasha shirka, isla markaana ku metelayay xubnaha kale ee lala doortay, wuxuu kaga hadlay dhawr qodob.

Madaxweynaha, ayaa  ergooyinka madasha ku sugnaa uga mahadnaqay kal-furnaanta iyo kalsoonida  ay ku doorteen, isagoo tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u baahan yihiin taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga, sidaa awgeed ay soo dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka yimaadda.

“Xil culus baad noo dhiibteen waxaad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan, haddaanu qaldannona na qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.” Ayuu yidhi.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay kala duwanaanshaha aragtida iyo fikirka, isagoo tilmaamay in xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan la isku dhaafsado, sidaa awgeed loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca aqlabiyaddu raacdo oo aan layku colaadsan oo layku tanaasulo.

“Xisbiyadu waa meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan lagu midaynayo, waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u dulqaadato oo ay u hoggaansanaato KULMIYE, doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah maaha, annaga haddii uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii, taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE sheegayo  ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu  noqon doono oday xisbi oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa  xisbiga kala maqnaan doonin, isaga oo guul iyo gobonnimana u rajeeyey  taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee caanka ku ah isku duubnida iyo wada-jirka.