Xuddun(ANN)Caaqil Maxamed Askar Jaamac oo ka mid ah Odayaasha Degmadda Xuddun ee  Gobolka Xaysimo ee Bariga Somaliland, ayaa ka digay dhibaato ka dhalankarta qaabka loo waddo hawlaha la doonayo in shidaalka Dalka lagu soo saaro, kuwaas oo sida uu sheegay dadka hormoodka ka ah ay qaab khaldan oo been ah u maamulayaan. Sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay dadka deegaanka soo gaadho oo maamulka iyo dawladnimadu aanay noqon kuwo Hargeysa oo keliya ku kooban.
Caaqil Maxamed Askar Jaamac, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu isgaadhsiinta khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda Wararka ee Araweelo News Network oo si gaar ah u baahisa qormooyin falanqayn ah oo la xidhiidha Heshiisyadda Caalamiga ah iyo dhibaatooyinka, ama  khatarta ay abuuri karaan heshiisyada shidaalka, haddii aan si cilmiyaysan loo maamulin oo aanay ka horayn saxeexyada deg dega ah ee heshiisyadda xeerar iyo shuruuc lagu maamulayo oo iftiiminaya qaabka loo wadaagayo Khayraadka dalka.
Oday Jaamac, wuxuu sheegay inay marar baddan kulmeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo saraakiil ka socota shirkaddaha ay xukuumaddu heshiisyadda dhinaca Shidaalka ah la gashay oo gaadhay deegaanka Xudun, kuwaas oo sida uu sheegay waxyaabihii ay ka waddahadleen iyo balanqaadkii ay dadka deegaanka u balanqaadeen aan waxba ka fulin, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Hargeysa waxaan ka maqlaynaa warar aan deegaanka laga soo dhowayn oo hawlaha la doonayo ee shidaalka ku keeni kara dhibaato, waxaad moodaa in Maamulkii iyo shacabkii aanay is gaadhayn oo xukuumadda arrinteedu noqotay inay Hargeysa ku koobnaato. Kadibna dhegeysato dadka afmiishaarada ah ee xafiisyadda Dawladaha yaqaan oo ay indhaha ka lalinay inay dadka deegaanka wax weydiiyaan.
Marar baddan ayaan arrintaa kala hadlay wasiiro xukuumadda ah, markii u danbaysay ee ay shirakaddaha iyo masuuliyiinta xukuumadda deegaanka yimadeen, waxa la sheegay in Ceel-biyood Macaan iyo Goob Caafimaad loo samaynayo dadka, welina arrintaa waxba kama hirgelin, waxa kale oo aanu maqlaynaa oo Hargeysa nagga soo gaadhaya, warar sheegaya in Dad gaar ah oo Muqdisho ka yimi la siiyay Qandaraasyo ay ahayd in dadka deegaanka Xuddun la siiyo iyo Ciidankii Ilaalinta shirkaddaha si kale oo khaldan loo waddo hawshiisha, waana arrimo haddii ay sidaa xukuumaddu u waddo aan waxba u hagaagayn, wax kaga xumaadda mooyee” Ayuu yidhi Caaqil Maxamed Askar Jaamac.
Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii aan la fulin wixii shacbiga loo balanqaado ay meesha ka baxay inay shacbigu aaminaan xukuumadda, taas oo sida uu sheegay ay fursad ka helayaan dad uu sheegay inay yihiin afmiishaaro aan waxba kala socon xaaladda dadka iyo deegaanka oo xukuumaddu u dhega nugushahay, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in haddii aan dadka deegaanka wax laga siin tallada oo ay xukuumaddu dhegeysato dad xaqiiqdii aan deegaanka waxba ka ahayn oo sheeganaya, isla markaana xirfadoodu noqotay inay ku maxaafsadaan iyagoo magacyo Madax-dhaqameed sita oo isaga gooshaan Hargeysa iyo Muqdisho aanay waxyaabaha la doonayo in laga fuliyo deegaanka soconayn haddii ay xukuumaddu dhegaysato kuwaa, wuuxuna ka digay inay arrintaasi keeni karto dhibaato iyo in aanay waxba ka fulin qorshayaasha la doonayo in lagu soo saaro shidaalka ee deegaanka Xuddun iyo kuwa kale ee la doonayo in laga bilaabo hawlaha shidaal baadhsita.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com