Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Gollaha Midowga Afrika oo Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia oo ah xrunta Midawga Afrika ee AU, ka socday kalfadhigoodii 35aad, ayaa lasoo gebagebeeyay maanta.

Kalfadhiga oo si rasmi ah u firmay 10:00 subaxnimo (EAT). Ee maalintii Axaddii ayaa socday intii  uu dhacayaa 5 ilaa 6 February 2022, waxaana Xafladda furitaanka rasmiga ah lagaga hadlay mawaadiic kala duwan.

Ajandayaasha qaarkoood ayaa ahaa kuwo xaasaasi ah, sida mawduuca xubinimada Israel ee Ururka Midawga ku doonayso iyo mawduucyo la xidhiidha arrimaha inqilaabka kusoo noqday xilliyadan danbe Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, ayaa xidhitaankii shirka ka sheegay in hoggaamiye kasta oo Afrikaan ah oo ku jira gollaha AU, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyay isbadal kasta oo ku yimaada hab ka baxsan dastuurka.

Maalintii xiritaanka ee shir madaxeedka Midawga Afrika oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagaga hadlay sababaha dalalka Afrika kusoo celinaya dariiqa digtaytarka iyo in millaterigu xukunka xoog kula wareegaan.

Sidoo kale, waxa lagu qaadaa dhigay dhibaatooyinka arrimahaa sababta u ah, iyadoo farta lagu fiiqay in dhibaatooyinka qalalaasaha iyo in xukunka la boobaa ay ka dhashaan marka Madaxweynayaashu xukunka dheeraystaan, iyagoo baalmaraya dastuurka.

Arrimahaa, ayaa si gaar ah loo calaamadiyay muddadii uu shirku socday, iyadoo toddobaadkii hore 15-ka xubnood ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka ay shaqada ka joojiyeen dalalka Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan sababo la xiidhiidha isbedello aan dastuuri ahayn oo ay ku sameeyeen awoodda.

Balse xubnaha midawga Afrika u qaabilsan amaanka shaqada kama joojin dalka Chad, halkaasoo gollaha millaterigu uu la wareegay awoodda kaddib geeridii madaxweynihii muddada dheer ee Idriss Deby Itno oo ku dhintay dagaalka bishii April ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa hakiyay dood ku saabsanayd in Israel lagala noqdo aqoonsiga, iyadoo mawduuca Israel oo la saadaalinayay in ay xiisad weyn ka dhex abuuray xubnaha ururka meel layska dhigay oo Ururku ka fogaaday, taas haddii cod loo qaado mar kale loo arkay in ay khilaaf ka dhex abuuri karto ururka.

Laxidhiidha: Israel Oo Goob Jooge Ka Noqotay Ururka Midawga Afrika Kaddib Geeridii Qaddafi Djibouti Iyo Soomaaliya Oo Debecsanaan U Muujiyay

Mawduuca Isarel, waxa sannadkii hore, guddoomiyaha Midowga Africa, Mousa Faki Mahamat, ayaa aqbalay kusoo biirista Israel ee ururka, iyadoo taas oo ka dhigay xubinta 55-aad, balse waxa dalabka Israel si weyn ugga soo horjeestay Falastiiniyiinta, iyo dalal dhawr ah oo ay ku jiraan Algeria, iyo Koonfur Afrika.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com