Laasgeel oo loogu Darayo Goobaha Taariikhiga ah ee Dunida ee La Aqoonsanayo 2020 iyo Doorka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Laasgeel (ANN)- Xukuumadda Somaliland iyo Midowga Yurub, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday mashruuc loogu talo-galay ilaalinta iyo dhowrista taariikhda soo-jireenka iyo Aataarta Qadiimiga ah ee ku duugan Buurta Laasgeel oo masaafo 47-km ah jihada Bari kaga beegan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaas oo ay fulin doonto Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, socon doonana muddo sannad amma 12 bilood ah.

Heshiiska Mashruucan oo lagu daah-furay munaasibad ballaadhan oo ka qabsoontay Buurta Laasgeel, waxa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Safiirka Midowga Yurub Nickolas Berlanga, Safiirka dowladda Denmark, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, madaxda Xarunta Dhaqanka Hargeysa, Maamulka gobolka Maroodijeex, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale.

Mashruucan oo loogu talo-galay inuu socdo muddo 12-bilood ah, ayaa koobsanaya deyr weyn oo xayn-daab u noqonaya Buurta iyo Goobaha Taariikhiga ah ee Laasgeel, Jidad loo maro goobaha Dalxiiska iyo tayaynta xirfadda hawl-wadeennada ka shaqaynaya iyo sidoo kale tabobbaridda Ciidanka ilaalin doona goobtaas iyo Dadka deegaanka ku hareeraysan Laasgeel oo iyagana la tabobbari doono, waxaana fulinaya, isla markaana gacanta ku haynaya mashruucaas Redsee Cultural Fondation oo ay hoostagto Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda mashruucan lagu daah-furay hadallo ka jeediyey guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed iyo guddoomiyaha degmada Laasgeel Mustafe Jabiye oo labadooduba soo dhaweeyey Mudanta iyo Marti-sharafta Daahfurkan taariikhiga ah ka qaybgashay.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay muhiimadda gaar ahaaneed ee ay leedahay dejinta qorsheyaal lagu hirgelinayo badbaadada taariikhda faca-weyn leh ee Buurta Laasgeel.

“Laasgeel oo kaliya maaha ee waxaan ka fekerayey inta meelood ee dalkani leeyahay ee laga soo bilaabo Saylac ilaa Buurta Daallo taxan wixii loo qaban karayo, Laasgeel calaamad ayay noqotay, waxaanan ku faraxsanahay inay maanta halkan isugu nimaadno innagoo taabanayna, laakiin xusayna inta meelood ee aynu leenahay ee ay tahay inaynu badbaadinno. Shacab ahaan, xukuumad ahaan iyo saaxiibadeenna inala joogaaba waynu isku raacnay inaynu ilaashanno Laasgeel, waanaynu ilaashanaynaa,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershada iyo Dalxiiska ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo wasaaraddiisu masuul ka tahay ilaalinta iyo maamulka goobaha Taariikhiga ah ee dalka, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan intii karaankooda ah dedaallo badan oo lagu ilaalinayo Buurta Laasgeel, balse ay jiraan dhinacyo badan oo wax-qabad u baahan, waxaanu wasiirku si gaar ah ugu mahad-celiyey Safiirka Midowga Yurub iyo guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu sheegay inay labadooduba xil-gaar ah iska saareen sidii loo horumarin lahaa Laasgeel.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa yidhi, “Ummad waliba hantibay leedahay; waxay leedahay hanti dad, hanti aqooneed, mid dhaqan iyo mid taariikheed. Maanta waxaynu isugu nimi inaynu xusno hantideenna taariikheed, waxa loo baahan yahay inaynu dhinacna ka faa’idaysanno, dhinacna ka ilaashanno”.

Safiirka Midowga Yurub Nickolas Berlanga ayaa isaguna munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa xusay in mashruucani ka mid yahay mashaariic muhiim ah oo Midowga Yurub ka fuliyey Somaliland, kuwaas oo sida uu xusay ay ka mid yihiin mashruuca dhismaha Jidadka Hargeysa ilaa Kala-baydh, biyo-ballaadhinta Hargeysa, Mashruuca biyo-qabatinka Deegaanka Beer ee gobolka Togdheer iyo Mashruuca Kor-u-qaadista Bilicda iyo adeegyada aasaasiga ah ee magaalada Berbera.

“Waxaan idinla wadaagayaa farxadda aynu ku furayno mashruucan lagu ilaalinayo taariikhda qadiimiga ah ee Laasgeel oo ay iska leeyihiin shacabka Somaliland, waxaynu isugu nimi xuska iyo ilaalinta taariikhdaas si aanay ugu burburin gacanta jiilka soo socda oo aynu barno qiimaha ay leedahay. Waxa la qorsheeyey oo Laasgeel lagu daray Liiska goobaha taariikhiga ah ee sannadkan la doonayo inay aqoonsato Hay’adda UNISCO, haddii Laas-geel la aqoonsado, waxay kor u qaadi doontaa magaca Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Safiirka Midowga Yurub.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebo-gebadii munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa iftiimiyey muhiimadda hirgelinta mashruucani u leeyahay Shacbiga Somaliland iyo sidoo kale bad-qabka taariikhda faca-weyn ee ku duugan Buurta Laasgeel.

“Waanu soo dhawaynaynaa mashruucan lagu horumarinayo dhowrista taariikhda Laasgeel oo runtii magac weyn u soo jiidday Somaliland. Ciddii soo jeedisay qorshahan oo ah Jaamac Muuse Jaamac iyo saaxiibkeenan safiirka ah ee hirgelinteeda u soo diyaar-garoobay ee maalgelinta bixinaya iyo wasaaraddeenaas mar walba u heellan sidii loo horumarin lahaa, intaba waan u mahad-celinayaa”, sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa halkaas si wada-jir ah heshiiska hirgelinta mashruucan u wada saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Safiirka Midowga Yurub Nickolas Berlanga, waxaana saxeexa heshiiska goob-joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac oo gacanta ku haynaysa fulinta mashruuca oo dhiniciisa isaguna mashruucaas saxeexay.

Hirgelinta Mashruucan oo lagu tilmaamay maalgelintii u horreysay ee Caalami ah ee ay hesho Buurta taariikhiga ah ee Laasgeel oo sirta ku duugan ay soo shaac-bixiyeen khubaro u dhashay dalka Faransiiska baadhis ay Sannadkii 2002-dii ku sameeyeen taariikhda ku duugan Buurta Laasgeel oo lagu tilmaamay inay soo taxnayn muddo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa Shan Kun illaa Toddoba Kun oo Sano.