EU

Nairobi(ANN)Ururka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah, ayaa si adag u cambaareeyey tallaabadii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland xukunka qisaasta ah ugu fulisay lix gacan-ku-dhiigle oo lagu toogtay degmada Madheera horraantii toddobaadkan.

Garsoorka dawladda Somaliland ayaa xukunnada dilka ah ee lagu fuliyey lixda gacan-ku-dhiigle 13 April 2015 u cuskaday shareecada islaamka iyo xeerarka kala duwan ee dalka u yaal, isagoo Ilaahay (SWT) qur’aanka kariimka ah ku caddeeyey in qiyaastu ama xukunka dilka ah yahay shay bannaan haddii aanay dhinacyada ay khusayso ku heshiin inay mag kala qaataan.

Qur’aanka kariimka oo ah qawlka Ilaahay (SWT), gaar ahaan aayadaha 178 iypo 179 ee suuradda Al-baqra, ayaa lagu waajibiyey xukunka qiyaasta, waxaannu Allaah inoo caddeeyey in xukun dil ah lagu fuliyo qof si badheedha u dila qof kale, marka laga reebo in qoyska ama ehelka cidda la dilay ogolaato inay magdhaw qaataan ama cafiyaan ruuxa dilka gaystay.
Haseyeehsee, warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub oo xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya shalay, nuqul ka mid ahna Jamhuuriya helay, waxay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin, ugana soo horjeedaan go’aannada xukunnada qisaasta ah ee xukuumadda Somaliland dib u bilowday sagaal sanno kadib markii ay joojisay.

“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay sida ugu addag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga ammaanka baddan ee Madheera in baddan kadib markii ay iska daayeen fulinta dilka maamulku.

Guud ahaan, falkani aan la filayn, wuxuu dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo horjeedaa ciqaabta dilka, waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka la fuliyey iyo xabaalaha la qoday sagaal sanno, kadib markii la joojiyey dilalka ciqaabta ah, waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhaqso u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Xukunka dilka ah ee Midowga Yurub cambaareeyey waxa lagu fuliyey lix gacan-ku-dhiigle oo magacyadooda la kala odhan jiray;

Maxamed Daa’uud Axmed, ina Hibo Cilmi oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse, Ina Caasha Maxamed oo 25 jir ahaa oo si wadajir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30/03/2008;

Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 40 jir ahaa oo magaalada Hargeysa ku dilay marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd 26/07/2003;

Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo magaalada Burco ku dilay marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo xaaskiisa ahayd, 10/05/2011;

Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed (Ex Dable askari Boolis ah) Ina Mullaaxo Cabdi, 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton-dabo ku dilay marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), 22-03-2015-ka;

Cabdirashiid Xasan Cumar (Ex Dable askari Ciidanka Qaranka ah) ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa oo magaalada Hargeysa ku dilay marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani, 07-08-2009.

Source: Jamhuuriya
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.