EUBressulesBrussels  (ANN) Ururka Midowga Yurub, ayaa ugu baaqay xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Ra’iisal-wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke inay muddada yar ee u hadhay ka shaqayso gaadhista qorshaha hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016.
Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si buuxda u ansixiyey shalay golaha wasiirrada cusub oo muddo toddobaadyo ah laba goor dib loo celiyey, kadib markii ra’iisal-wasaaruhu codsaday in la siiyo muddo dheeraad ah oo uu wax-ka-beddel ugu sameeyo liiska wasiirradda uu magacaabay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub kadib ansixintii xukuumadda cusub ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay inay soo dhawaynaynayaan ansixinta Golaha Wasiirrada, balse waxay xaqiijiyeen in waqti yar u hadhsan yahay, loona baahan yahay inay shaqadooda dardargeliyaan si loo dhammaystiro qorshayaasha u yaal oo ay ugu muhiimsan yihiin ansixinta dastuurka, dhisidda guddida doorashooyinka iyo in sannadka 2016 laga qabto Soomaaliya doorashooyin guud.
“Golaha cusub wuxuu hadda haystaa, una hadhay waqti yar si uu guto ujeeddooyinka dawladda Soomaaliyeed ee ku cad Hiigsiga 2016-ka, taasoo lagu saleeyey kaalmada caalamiga. Hawlaha horyaal hay’adaha federaaliga waxa ku jira, gaar ahaan dhisidda maamulo ku-meel-gaadh ah iyo sugidda hannaan sax ah ee dib-u-eegista dastuurka, laguna dhammaystiro dhammaadka 2015, iyadoo ujeedadu tahay in la qabto coddeynta dastuurka 2016-ka iyo meel-marinta hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashooyin uu horkacayo Guddida Doorashooyinka Qaran ee madaxabanaan. Dawladda cusub waa in ay si dhaqso ah uga jawaabto himilooyinka dadka Soomaaliyeed, kordhisaanna gaadhsiinta adeegyada dadweynaha, sida ku cad qaab-dhismeedka Cahdiga Cusub (New Deal Framwork),” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub.
Waxa kaloo Midowga Yurub sheegeen in loo baahan yahay sidii dawladda Soomaaliya u fulin lahayd waxqabad iyo horumar ku salaysan isla xisaabtan la gaadhsiiyo bulshada oo dhan, “Yagleelidda jawi nabadeed ee waafaqsan shirkii nabadgelyada London waa inuu jaan-qaado, isla markaana ahaado mid amhamid sare leh. Dowladdu waxay u baahan tahay inay ku fuliso niyad leh midnimo, gaadhsiin wax-qabad iyo isla-xisaabtan.
Bishii November, 2014 shirkii Copenhegan ee dalka Denmark, waxa Madasha Iskaashiga Heerka Sare, Midowga Yurub uu markale caddeeyey go’aankiisa ku aaddan hannaanka Cahdiga Cusub. Wax-ka-qabashada ajendaha siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarinta ugu horreyn waa masuulinyadda maamuleyaasha Soomaaliyeed, waxayna u baahan tahay ballanqaad sugan oo joogta ah ee dhammaan shuraakada Soomaaliyeed. Midowga Yurub wuxuu sii wadayaa inuu la shaqeeyo golaha cusub iyo hay’adaha dawladda dhammaan heer kasta si loo gaadho Hiigsiga Cusub ee 2016 iyo inuu ku taageero dhisidda Soomaliya federaal ah, madaxbanaan, nabad iyo dimoqoraadi ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com