Araweelo News Network

Jigjiga(ANN)-Xaalada Magaalada Jigjiga ee Kililka shanaad ee Soomaalida Ethiopia, ayaa faraha ka baxday. Kadib markii ay saaka la wareegeen Ciidamadda Milateriga, iyadoo saaka la filayay inuu ka qabsoomo dhismaha Baarlamaana Kulan loogu yeedhay kulanka wadatashiga Soomaaliyeed.

Hase yeeshee waxa Magaalada saaka ku waaberiistay Ciidamadda dawladda dhexe ee Federaalka, kuwaas oo la wareegay dhismahaa, Isla markaana baajiyay inuu qabsoomo.

Dadka deegaanka oo qaarkood shebekada Araweelo News Network la xdhidhay, ayaa sheegay in xaaladu mar keliya isu bedeshay qas Iyo Fawdo, Isla markaana la gubay ganacsiyo waaweyn oo sannadihii u danbeeyay la hirgeliyay Magaalada Jigjiga. Meelaha qaarna waxaa la soo sheegayaa in bililiqo ay ka dhacday oo la boobay.

Sidoo kale waxay Ciidamada Milatariga Dowlada Federalka Ethiopia  la wareegeen dhismayaasha madaxtooyada, xarunta Telefishinka ESTV, Iyo goobo kale oo muhiim ah, waxayna iyagoo wata Gaadiidka gaashaaman gaaf wareegayaan dhamaan jidadka waaweyn ee Magaalada Jigjiga.

 

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa muddooyinkii u Danbeeyay ee dalkaa isbedelku ka socday ka dhawaajinayay siyaasado iska soo horjeeda, waxaana la filayay in maanta uu dhimaha baarlamaanka ee Jigjiga ka qabsoomo shir loogu yeedhay shirka wada tashiga aayaha Soomaalida Ethiopia, kaas oo la filayay in Kililka shanaad kaga go’o Ethiopia inteeda kale.

 

Laakiin Jariidadda ka soo baxda Addis Ababa ee Addis Standard ayaa barteeda twitterka ku qortay in talaabadaasi ay dowladda Federalka Ethiopia u qaaday kaddib markii uu khilaf soo kala dhex galay madaxweyne Cabdi Cumar Maxamud iyo Madaxda Maamulka Federalka Ethiopia.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa ayaaha dhulka Soomaalida Ethiopia oo Baraha bulshada ka soo muuqday ayaa talaabada Ciidamaddu ay kula wareegeen Jigjiga ku tilmaamay “Afgambi” aan loo baahnayn.

Dhinaca kale waxa adag wararka laga helayo deegaankaa, iyado isgaadhsiinta gooyay, iyadoo aan la ogayn halka uu ku suganyahay Madaxweynahii  Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar, balse waxa Jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in maanta gelinkii danbe laga qabtay madaarka, iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu ku Jiro xerada ugu weyn ee ciidanka Liyuu Police ay ku leeyihiin halkaa oo ay doonayaan in ay sku difaacaan.