Addis Ababa(ANN)-Xaaladda ayaa ah mid faraha kasii baxaysa, waxaan gebi ahaanba la wareegay amniga Milateriga Ethiopia ee Federaalka, kuwaas oo loo daadgureeyay caasimadda, si ay u sugaan xaaladda amniga ee sii xumaanay, iyadoo ay sii socdaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka Fannaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Dad aan ka yarayn 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in la dilay tan iyo habeenkii Isniinta, kuwaas ku nafwaayay qulqulatooyinka rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu kasoo jeeday fannaanka la dilay ee Oromiya.

Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa, kaas oo isagoo gaadhigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay.

Booliska ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda baddan qowmiyada Oromiya.

Dilka Fannaaka ayaan Ilaa iyo haatan la caddayn sababta keentay dilkiisa, waxaana Boolisku sheegeen in falkaa loo xidhay laba qof, balse waxa sii socda rabshadaha ka dhashay, iyadoo qorshuhu ahaa in mayd ninkaasi la aasi doonaa maanta.

Balse markii meydka Hachalu loo qaaday magaalada uu kasoo jeedp ee Ambo, oo dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, si loogu aaso, waxaa dhacay rabshado dhaliyay dhimasho, kadib markii  Mr Jawar iyo taageerayaashiisa ay dhexda u galeen,  iyagoo doonaya in aan caasimada laga qaadin maydka Fannaanka, waxayna  isku dayeen inay dib ugu celiyaan caasimadda, iyagoo isticmaalaya awood.

Taliyaha booliska Federaalka, Endeshaw Tassew, ayaa Talaadadii sheegay inuu dhacay ismari waa.

“Waxaa iska hor yimid ciidanka amniga federaalka iyo dad kale, arrintaasna waxay sababtay in la dilo hal askari oo ka tirsan booliska gaarka ah ee Oromia,” ayuu yidhi Mr Endeshaw. sida ay shaacisay Idaacadda BBC-da.

Ka hor intii aan la dilin Hachalu, oo 34 jir ahaa, wuxuu dhawaan sheegay inay soo gaadheen hanjabaado loogu sheegayay in la dili doono. maydkiisa ayaa la sheegay in lagu aasi doono maalinta Khamiista ah, balse lama xaqiijin in ay suurtagashay.

Heesihiisa wuxuu diiradda ku saari jiray xuquuqda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxayna hal-kudhig u noqdeen mudaharaadyadii socday 2018-kii ee horseeday inay bur-burto dowladdii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia.

“Ilaa iyo hadda 81 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan saddex askari oo booliska gobolka Oromiya ah,” Ararsa Merdasa, madaxa booliska gobolka Oromiya ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu kula hadlay Telefishanka maxaliga ah.

Dhinaca kale, dad badan ayaa ku dhaawacmay dibadbaxyadii dhacay Talaadadii, “waxaana burbur xooggan loo geystay hanti badan,” sidaa waxa u BBC-da u sheegay Getachew Balcha, oo ah afhayeenka dowlad goboleedka Oromada.

Xiisaddaha siyaasadeed ee ka dhashay dilka Fannaanka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay Ethiopia la ciir-ciiraysay siyaasado dhanka fawdada usii waday dalka tan iyo markii uu xukunka la wareegay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo noqday ra’iisal wasaarihii ugu horreeyay taariikhda guunka ah ee Ethiopia oo dalkaa xuma kummanaan sannadood oo kasoo jeeda qoemiyada Oromaiya.

waxaana dhowaan dalka ka aloosnaa xiisad ka taagan arrimaha doorashada, taas oo sababtay in mudada loo kordhiyo xukuumadda Abiy, balse ismaamulka Tigeeraga ayaa ku ganacsaydhay arrintaa, waxayna ku doodeen in aannay macquul ahayn in la dhaafo Dastuurka dalka, sidaa awgeed aannay marnaba aqbalayn in doorashada dib loo dhigo iyo in la kordhiyo mudada xuukuumadda, waxaana xiisada iyo khilaafka ka dhashay arrintaa dhexgalay Hoggaamiyayaasha Diiimaha ee Dalka Ethiopia iyo Odayaasha dhaqanka, balse weli lama hayo wax natiijo ah oo kasoo baxay.