Araweelo News Network.

Moscow (ANN)-Ruushka ayaa uga digay Maraykanka inuu hubaynta Ukraine, isagoo warqad digniin ah u diray Madaxweyne Joe Biden, kaddib markii Maraykanku sheegay in $800 millyan oo lacagta dollarka ah lagu caawinayo, taas oo isugu jira doyaaraddo iyo hub ay ka mid yihiin gantaalo.

Alt: Araweelo News
Putin iyo Biden, Image Araweelo News Network

Warqad loo diray Aqalka Cad iyo Madaxweyne Biden, wuxuu si adag uga digay Ruuskhu in hub usoo dirto Washington Ukraine, lama ogga in Aqalka dhegaysanayo hanjabaada iyo digniinta Ruushka.

Sidoo Ruushku, wuxuu hanjabaado kama danbays u diray dalalka Japan, Sweden iyo Filand, kuwaas oo uu dul dhigay gantaalo, isla markaana hanjabaado kala duwan u diray 24-kii sacadadood ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, Xukuumadda Moscow, waxay dalkeeda ka mamnuucday inuu cagta soo geliyo ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson oo ay weheliyaan qaar ka mid ah madaxda sare ee dawladda Britain.

Madaxda Britain ee Moscow ka mamnuucday dalkeeda, waxa  ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka UK Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Theresa May, iyo Wasiirkii Koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Moscow, ayaa jawaab uga dhigtay go’aankeeda, kaddib  markii London ay cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogtay Ruushka, taas oo ku saabsan duulaankii uu ku qaaday Ukraine 24-kii February.

Laxidhiidha: Kyiv: Gantaalaha Lagu Cashariyay Xilli Uu Goobta Ka Baxay Moskva

Britain oo doonaysa in lagu ciqaabo mas’uuliyiinta ugu saraysa Ruushka, iyo xulafada madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxay qaadatay go’aanka cunaqabataynta, iyadoo sidoo kale Boqortooyada Midowday xayirtay hantidooda, isla markaana soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah.

Hase yeeshee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay, “Tallaabadan waxa ay jawaab u tahay xogta iyo ololaha siyaasadeed ee London ee aan xakamaysnayn ee looga gol leeyahay in lagu go’doomiyo Ruushka si caalami ah, abuurista shuruudo lagu xaddidayo dalkeena iyo in la ceejiyo dhaqaallaha gudaha”.ayaa lagu yidhi, bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ruushka.

Laxidhiidha: Moscow Miyay Weyday Markabka Xanbaara Gantaalaha Ee Moskva

“Hoggaanka Ingiriiska ayaa si ula kac ah uga sii daraya xaaladda ku xeeran Ukraine, iyaga oo maamulka Kyiv ku garaacaya hubka halista ah iyo isku dubaridka dadaallada la midka ah iyaga oo ka wakiil ah NATO,” ayay Moscow raacisay bayaanka.

Wargeyska The Times ee laga leeyahay Britain, ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee Britain ay Kyiv ku tababarayaan ciidamo maxalli ah si ay uga hortagaan weerarada Ruushka, kuwaas ciidamada Ukraine baraya sida loo isticmaalo gantaalada lidka taangiyada ee Britain geysay Ukraine, kuwaas oo ah nooca loo yaqaan Janareeshinka xigga ee lidka Taangiyada (Next generation Light Anti-tank Weapons (NLAWs).

Sida uu sheegay Kabtan Yuriy Myronenko. Guutadiisu waxay ku sugan tahay Obolon oo ku taal duleedka Kyiv. waxayna qaateen tababar ciidan labadii todobaad ee ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku calaacalay in cunaqabataynta keliya ee lagu soo rogay Ruushka aannay ku filnayn.”Guud ahaan, dunidu waa inay aqbashaa in lacagta Ruushka ee ilaha tamarta ay dhab ahaantii tahay lacag burburinta dimuqraadiyadda,” ayuu yidhi.

Volodymyr Zelensky, wuxuu soo jeediyay in la joojiyo Saliida Ruushka, “Sida ugu dhakhsaha badan ee dunidu dimuqraadiga ah u aqoonsato in cunaqabataynta saliida ee ka dhanka ah Ruushka iyo xannibaadda buuxda ee qaybta bangiyada ay yihiin tillaabooyin lagama maarmaan u ah nabadda, sida ugu dhakhsaha badan ee dagaalku u dhammaan doono,”ayuu yidhi.

Dhinaca Warshad militari oo ku taal caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa laga sameeyay shaqo joojin aroornimadii Sabtida (Abriil 16). arrintan ayaa timi maalin kaddib markii Ruushka uu duqeeyey qeybta gantaalada ridada dheer duleedka Kyiv.

Sabtidii, duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa ku shaaciyay baraha bulshada in ay qaraxyo ka dhaceen degmada Darnyrsky ee Kyiv.

Shaqo joojinta lagu sameeyay caasimadda Ukraine ayaa ka mid ah kuwii ugu horreeyay tan iyo markii ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday ay billaabeen inay ka baxaan gobollada ku hareeraysan Kyiv bishii hore, taas beddelkeedana ay u weeciyeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gobolka Donbas ee bari.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa Sabtidii xaqiijisay in ciidamada Ruushka ay si dhab ah u garaaceen warshadda qalabka Millateriga.

Hubka riddada dheer ee saxda ah ayaa burburiyay dhismayaal wax soo saar oo warshad hub ah oo ku taal Kyiv, taas oo kusoo beegantay duqaynteedu xilli uu meesha ka mqanyahay oo ay Moscow weyday markabka Badda Madow ee uu quusay.

Ukraine ayaa sheegtay in markabka dagaal lala beegsaday weerar gantaal ah halka Ruushka uu sheegay in dabku uu sabab u ahaa rasaastii saarnayd markabka.

Wixii ka danbeeyay markaa Ruushka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah caasimadda Ukraine ee Kyiv markii Moskva uu degay.,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Telegram.

Goobbaha ay deganaayeen xukuumadda Ukraine ee Kyiv ayaa si isdaba joog ah loo garaacay bilowgii duullaanka Ruushka ee Ukraine dabayaaqadii bishii Febraayo. balse Moscow ayaa diiday in ay si ula kac ah u weerarto kaabayaasha rayidka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com