En Cali Xoor XoorHargeysa(ANN)Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maalgashiga la doonayo in lagu sameeyo dekedda Berbera. Mr. Jamaal Cali Xuseen oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisu qabtay shalay, waxa uu caddeeyey in aanay ka soo horjeedin maalgashi nidaam sharci ah loo maray oo lagu sameeyo dekedda Berbera, balse, waxa uu xusay in aanay ogolaan doonin in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo cid gaar si qarsoon ugu wareejiso inta ay lacag ka qaadato. “Waxa maalmahan laga hadlayey in dekadda Berbera la wareejiyey, dhaqaalaha dalkeennu 80% waxa uu ku xidhan yahay dekedda Berbera, sidaas darteed nolosheennii waxay ku xidhan tahay dekaddaas oo ah mid muhiima, laf-dhabarna u ah dhaqaalaha dalka, waxa laga yeelayaana waa in aanay noqon wixii laga yeeli jiray guri yar oo qof la siiyey ama dhul la iibiyey, waxa dhammaaday oo ay dawladdii wareejisay dhulkii iyo guryihii la isku hibaynayey, waanan kaga daba tagi doonaa. Ma waxa la arkay dawlad tidhi warshadii laydhka ayaanu maamuli kari waynay oo dad ayaanu siinay, dad la iskama siiyo warshado, warshaduna waa hantidii ummadda oo dadka ayaa iska leh, haddii la wareejinayana waxa lagu wareejiyaa nidaam la og yahay, laakiin lacag ayaa soo gashay, lacagtii lagu iibiyeyna weli la inooma sheegin oo cid ayaa la doonayaa in xisaabaad loogu shubo, dawladdu haddii ay tidhaa laydhkii Berbera iyo kii Hargeysa ayaanu maamuli kari waynay ilayn barigii Daahir Rayaale-ba way shaqayn jireene sababtu maxay tahay,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen. “Dadku caqli ayey leeyihiin, caqliga dadkana yaan la caayin, waxana waa layskaga daba imanayaa, dadka hantida iskaga luminaya waxaan leeyahay hantida hayskaga luminina waxani waa xoolo dawladeed anagu haddii aanu ka daba tagi kari wayno kuwa naga dambeeya ayaa ka daba tagaya, mar walbana waa la isaga daba imanayaa, waana baqdin joogto ah.” “Dekadda Berbera arrinkeedu maaha mid ciyaar ah, dawladana waxaan leeyahay waar yeydaan dab faraha la galin, arrinkii hore ee guryaha ayaa la ogaa ee la bixinayey. Somaliland oo dhan ayaa eeganaysa dekedda, meel cid gaar ah leedahayna maaha, haddii ay imanayaan shirkadod maalgelinaya oo dakadda dhisaya waanu soo dhawaynaynaa, laakiin ogolaan mayno in cid lagu wareejiyo oo intay dawladdu lacag ka qaadato, kadibna madaxa inoo geliso kildhi, hadhawna ummaddu isla bas beesho, taas ogolaan mayno,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, isagoo intaas ku daray; “Maalgaliyeyaasha waynu doonaynaa, laakiin waxaynu doonaynaa maalgaliyayaal aan qol madaw la isla gelin oo wax been ah la isku sheegin, lacagna aan hoosta lagu kala qaadan, dawladuhu marka ay sannadka ugu dambeeya ku jiraan arrimahan oo kale ma galaan, shirkadda la galaysa heshiis dawlad ay ogtahay inay doorasho galayso oo inaanay meeshan ku soo noqon karin og tahay aniga ilama aha shirkad ah kuwa aan aqaanay, markaa waxaan leeyahay arrinaas dekedda Berbera wuu soo noq noqonayey, waxaanan maqlayey inay xukuumaddu laba kooxood u kala jabtay, koox taageersan in shirad lagu wareejiyo iyo koox ka soo hor jeeda.” Dhinaca kale, maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa beeniyey dhalliilaha loo jeediyo qorshaha xukuumadda ee la doonayo in lagu maalgeliyo dekedda, isagoo xusay in go’aanka dawladdu yahay mid lagu ballaadhinayo, laguna casriyeynayo dekedda Berbera, lagana dhigayo mid heer caalami ah. “Wax aan dalka ka jirin, dekeddana ka jirin oo fool-xun, anniguna aanan wax shaqo ah ku lahayn ayey baahiyeen qaar ka mid ah saxaafaddu, gaar ahaan telefishanka Star TV, waxaanan doonayaa in aan caddeeyo barnaamijka dawladdu gacanta ku hayso ee ku saabsan horumarinta dekedda Berbera, kaasoo ah mid horumarin ah oo lagu toban jibbaarayo manaafacaadka dekeddu u leedahay reer Somaliland oo dhan, lagana dhigayo mid heer caalami ah, taasina waxay u baahan tahay maalgelin shisheeye. Waayo miisaaniyad yar ee dawladdu ku maasho dalka kama go’i karto lacagta intaas le’eg ee dekedda lagu casriyeynayo. Nidaamka aannu u marayno maalgelinta dekeddu waa nidaam caalami ah oo iska hubsasho leh, waana nidaam lagu maalgelinayo degaanka xeebta dekedda ilaa 20 km oo dhinac ah iyo ilaa 15km oo dhinaca kale ah, looguna talogalay in ganacsatada Somaliland ama ajnabiga ah dhaqaale geliyaan, lagana dhiso hudheelo casri ah, warshaddo, cusbitaalo, bakhaaro wax lagu kaydiyo iyo suuq weyn oo caalami ah, cid walbana wax ka iibsan karno, taasoo keeni karta in dad badan ku soo xidhmaan waddanka, shaqo-abuur badana laga helo,” ayuu yidhi; Eng. Cali Xoor-xoor. Waxaannu intaas ku daray; “Markaa barnaamijka noocaas ah ee dekedda iyo degaannada ku xeeran lagu casriyeyno, dad badana lagu soo xidhayo ayaa laga dhigayaa barnaamij fool xun oo wax lagu kala boobayo, waxna la xumaynayo, taasoo ah wax dacaayad ah oo aanay waxba ka jirin. Annigu marka aan ahayn maareeyaha dekedda ma ihi nin kaabo-qabiil ah oo qabiil daba socdo, balse waxa aan ahay nin aan weligii u shaqayn qabiil, meeshana kuma joogo qabiil, dekedda Berbera-na qabiil ma laha, waana meel qaranku leeyahay oo dawladdu ka taliso, dawladuna mustaqbal wanaagsan ayey ugu talinaysaa, laakiin maaha in si qaldan loo adeegsanayo, cid is haysataana ma jirto, cid kala safatayna ma jirto ee turjumaada qaldan ha laga daayo maalgashiga dekedda Berbera,” ayuu yidhi; Eng. Cali Xoor-xoor. Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com