waddani iyo UCIDHargeysa(ANN)Labada xisbi mucaarad ee Somaliland (UCID iyo WADDANI), ayaa kulan magaalada Hargeysa ku yeesheen shalay ku kala saxeexday heshiis dhowr qodob ka kooban, iyagoo xukuumadda KULMIYE uga digay inay muddada xilka korodhsato.

Masuuliyiinta xisbiyada UCID iyo WADANI ee kulankaas ka qaybgalay, ayaa sheegay inay xukuumadda ka oggolaan doonin inay muddo-korodhsi sameysato, diyaarna u yihiin in doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga loogu talogalay oo ku beegan bisha June ee sannadkan 2015.

“Maanta  waxa halkan isugu yimi xisbiyada mucaarad ee WADANI iyo UCID, waxaanuna sameysannay guddi labada dhinac ah oo min shan xubnood ka kooban, kana arrinsan doono xaaladda waddanku marayo, doorashooyinka innagu soo fool leh iyo sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada madaxnimo.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Mr. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo saxaafadda uga warramay waxyaabaha labada xisbi mucaarad kaga wadahadleen kulankooda iskaashi oo ah kii ugu horreeyey ee UCID iyo WADDANI kala saxeexdaan.

“Haddaannu nahay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADANI, waxaan isla garanay inaannu yeelanno iskaashi mucaaraadnimo oo buuxa, isla markaana aan ka tashanno sidii laga yeeli lahaa doorashoooyinka soo socda, waanan isku waafaqnay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr. Qodax

Xoghayaha Guud ee UCID waxa kaloo uu sheegay in muddo-xileedka xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu ku egyahay 26-ka bisha June ee sannadkan, isagoo xusay inay sidoo kale labada xisbi mucaarad isku waafaqeen inay xukuumadda KULMIYE uga digaan korodhsiimo marka muddada xilku ka dhammaado.
“Labada xisbi mucaarad waxay si dhab ah ugu heshiiyeen inay wixii maanta (shalay) ka dambeeya noqdaan laba xisbi oo wada-shaqeyn wanaagsan ka leh sidii dalka doorasho uga dhici lahayd iyo in aannu ka soo horjeedno muddo-kordhin ay sameysato xukuumadda hadda talada haysa,” ayuu hadalkiisa ku xidhay Xoghaye Qodax.

Md. Cali Cilmi Geelle oo ahaa Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta xukuumadda Siilaanyo, haatanna ah xubin sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay sidii ay samayn lahaayeen saaxad mucaaradeed oo awood badan leh, soona jiidata bulshada wax tebaysa, isagoo si cad carrabka ugu adkeeyey inay kasoo horjeedaan muddokordhin loo sameeyo baarlamaanka (Golaha Wakiillada) iyo Madaxtooyada.

“Waxaannu dadka u sheegaynaa labadaas xisbi ee UCID iyo WADDANI iskaashi ayey bilaabeen, waxana aanu halkan ku fadhinaa guddiyo min shan ah oo wada shaqaynta labada xisbi ka shaqayn doona, mucaaradaddan dadka qaar haddii ay u yaqaaniin in la caytamo annagu caytami mayno, wixii wanaag ah ee cida talada haysaa qabatana waanu sheegi, wixii ku xunna waanu sheegi, maantana waxa noo bilowday wakhti wanaagsan oo labadayda xisbi aannu kaga tashanaynno aayaha dalka, waxaana aanu xoojinaynaa haddii ay 26-ka June ay gaadho in xukuumadda wakhtigeedii uu dhammaaday, baarlamaankana (Golaha Wakiillada) wakhtigiisii uu dhammaaday,” ayuu yidhi Mr. Cali Cilmi Geelle.
Mr. Axmed Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xisbi mucaarad maanta wixii ka dambeeya yihiin xisbiyo wada socda, heshiiska ay gaadheenna yahay mid maslaxadda Somaliland ku jirto.

Mr. Xamarji waxa uu kuu dooday marka la gaadho 26 June wixii ka dambeeya in aanay aqoonsan doonin sharcinimada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada, isagoo ku baaqay in doorashooyinka madaxnimo ee Somaliland la qabto xilligii loogu talogalay, muddo-kordhinna aanay aqbali doonin.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com