mudaharaadguurHargeysa(ANN)Jawiga Dareenka iyo Shucuurtooduba waxay ahayd mid aad u bedelnayd, Naawilaada rajadooda wadaaga noloshana waxay muujiyeen inay qawadeen.

Waa wiilal dhalinyaro ah oo tiro ahaan aan ka yarayn kontoneeyo badankooduna waxay ka baxeen Jaamacadaha Dalka, Garashada aqooneed ee aan u leeyahay qaarkood kama mid aha dhalinta laasimay balwadaha maandooriyaha Jaadka halka kuwooda kalena muuqaalka wejiyadooda aanay ka muuqan humaag rumeedka balwada.

Walow aanan war buuxa ka hayn xogahooda nololeed hadana halku dhegooda banaanbuxu waxa uu ahaa “Weli waxaan ahay keli, Doob ama mid aan guursan” halka banaanbaxayaasha Guurdoonka ah uu ka dhex muuqday mid kali ku ah nolosha guurka kasoo laabta kusitay warqad ay ku xardhan tahay “Waan Guursaday”.

Hargeysa waa magaalo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dhulka soomaalidu degto, dadka ku noolina rag iyo dumar waxaa tirokoobyo dhawaan lagu sameeyey lagu qiyaasay in %57 ay dhalinyaro yihiin.

Waxbarashadu waa mid aan laga daalin xaga da’yarta kolka aad isbarbar dhig ku samayso adigoo ka duulaya aragtidaada dhow magaalada hargeysa waa ay kala badan yihiin dhalinta balwada jaadka isticmaala iyo kuwa gelin hore iyo galin dambeba u dareera goobaha waxbarashada, sidaasay tahay majirto wax rajo ah oo taala Somaliland dhanka shaqo abuurka, dhalinyarada waxbaratayna celcelis ahaan waxaa shaqo ka hela laamaha dawlada, Hay’daha ajaanibka, NGO’yada wadaniga ah, iyo goobaha waxbarashada gaarka loo leeyahay %3 halka %97 ay shaqo la’aan wakhtigooda ku qaataan goobaha laga qaxweeye iyo shaleemooyinka Aflaamta iyo Ciyaaraha, halka kooda awooda ama waalidkii wax yar ku tuhmaya haba ahaato dhismaha gurigii uu ku dhashay ee qoyskoodu ku noolaa galaafta, isagoo nolol ku doonaya dariiqaTahriibta, taas oo sababtay in kumanaan iyo kumanaan kale waalidkood ka goblamay, kuwo kalena xabsiyada aduunka buux dhaafiyeen, qaar kalena yurubta qabow ay caydh ku qaataan.

Maaha mid cidina indhaha ka lalin karto sida xaqiiqadu tahay ee taariikhda markii u horeysay dhulka soomaalida keentay sababta Banaanbaxayaal Guurdoon ah oo weliba dhanka Labku ay sameeyaan.

Magaalo weynta Hargeysa dhanka guurka waa ka gooni in badan oo kamid ah gobolada Somaliland, halka Soomaaliya inteeda kalena ay kala yihiin Hargeysa kaaf iyo kala dheeri.

Hablaha Hargeysa dhinaca guurkooda inta badan dhigooda ama wiilasha qayrkooda ahi kolka aad la sheekaysato waxa ay kuu sheegayaan inay adag tahay iyagoo u nisbaynaya dhinaca Dhaqaalah,

Abdirashiid Danab waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqoonta qaniga ka ah sidoo kale waa Hal -Abuur, waana guurdoonayaasha maanta banaanbaxa sida weyn uga dhex muuqday maraan dareenkiisa banaabaxa kadib la wadaagay waxa uu yidhi, “ Saaxiib Cabdirisaaq Terra waad mahadsan tahay hal dhib oo keliya aya jirta guurku waa xulasho wakhtigeeda leh, waxbarasho heer wacan baan ka gaadhay, shaqona rajo naawil baan ahay, hase ahaate hamadayda guurka iyo rabitaankeeda ayaa ah kan aniga iyo saaxiibaday dibada noo soo saaray, xiligan jacaylka iyo dookha guurka xalaasha ahi waxa uu ku xidhan yahay, Cadadka meherka, Qiimaha Gabaatiga, Agabka guriga, Huteelka arooska iyo wax kale oo badan oo aan halkan kuugu soo koobi karayn, waxaana ka gadhwadeen ah waalidiinta oo had iyo jeer wiilka gabadha guursanaya aan u eegayn muxuu bartay iyo maku filan yahay nolosheeda ilaa diinteenu waxay qabto, balse markasta isbarbardhiga Gabadh calafku ku daray wiil aabihii Tabcaday maal aad u badan iyo nolosha ay ku nooshahay, markaa saaxiib banaanbaxan way nagala fursan wayday inaanu ku muujinayo dareenkayaga”.

Sanadba sanadka kasii dambeeya guurku waa sii yaraanayaa, dhibaatada guur la’aanta iyo halisteeda waa mid sii kordhaysa oo halis dhalintu lab iyo dhedigba ugu jiraan gelitaanka Beeraha Libaaxa iyo in dhibaatooyin kale oo fusuqa iyo fawaaxishku kow ka yihiin kusii kordhaan bulshada.

Banaanbaxana lama garanayo in xaalada keentay tahay “Doob Qalanjadii Ga’bay ma Da’ lagu khasaaraa” iyo in kale .

Abdirisaaq Yusuf Ali “Terra”

Email: Terra-10@hotmail.com
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.