Baydhabo(ANN)-Mudaharaad khasaare nafeed sababay, ayaa kadhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, kadib markii Boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada ay isugu soo baxeenmudaharaad ay ku taageerayaan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo qayb ka mid ah xildhiabaanadu u gudbiyeenguddoomiyaha Baarlamaanka.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in mudaharaadkaa oo ka dhacay maanta magaalada uu sababay iska horimaad dhex maray ciidamadda Booliskaiyo dadka mudaharaadayay, waxaana khasaaraha la sheegay ilaa hadda la ogyahaysaddex qof oo dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii Ciidamadda Booliska oodoonayay inay joojiyaan mudaharaadka ay tacshiirado rasaas ah rideen, taas oosababtay dadka dhaawaca ah oo ay ku jirto gabadh yar oo Ardayad ah.

Dadka mudaharaadayay, ayaa markii danbe isugu yimaadeen badhtamaha magaalada, iyagoo ku dhawaaqaya, “Farmaajo ha dhaco” iyo ereyo kale,waxayna sheegeen inay teegeerayaan mooshinka la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Farmaajo, islamarkaana waxay sheegeen in ay mudaharaadka ku muujinayaan taageerada ay uhayaan guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

 Mudahaardka, ayaa sidoo kale kusoo beegmay, iyadoo maamulgoboleedka Koonfur galbeed ay jirto xiisad siyaasadeed oo taagan doorashada Madaxweynaha oo maalmaha soo socda la filiyo inay ka qabsoonto halkaa, islamarkaana khilaafka doorashada maamulka Koonfur galbeed, ayaa lagu eedeeyay inayfaragelin qaawan ku hayso xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.