Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa soo saaray Liiska Mudanayaal shaqadoodii gudan waayay oo la baafinayo. Kadib markii Fadhiyadii u danbeeyay Kooram La’aan u baaqdeen, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, isagoo ugu baaqay mudanayaasha golihiisa inay ka soo xaadiraan fadhiyada si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee horyaal muddada yar ee muddo-xilleedkooda hore loogu kordhiyey uga hadhay. “Waxa loo baahan yahay in ay xildhibaannadu ka soo qaybgalaan fadhiyada, maalin dhawaydna waad arkayseen oo laba fadhi ayey kooram la’aani dhacday, horena way iskaga dhici jirtay, laakiin xildhibaannada waxaannu ku wadahadalnay in golaha si joogta ay u yimadaan waqti yar ayaa golaha u hadhay shuruuc badanina way hadhsanyihiin.” Ayuu yidhi Baashe oo warbaahinta la hadlay.
“Xildhibaanka saxeexa buugga (xaadiriska) ee iska baxa waxaannu u aqoonsan doonaa xildhibaan maqan, inta badan waxa dhacda ninkasta ciddii soo dooratay ayaa daba socota, doorashana way soo socotaa xildhibaanku dadkiisa wixii uu kula noqon lahaa ayuu doonayaa, waxaanay ila tahay in xildhibaan kasta ku mashquulsan yahay sidii uu gobolka uu kasoo jeedo wax badan ugu qaban lahaa . sidaa wax yidhi Guddoomiye Baashe oo cudur-daar u samaynaya xildhibaanada la waayay ee gudan waayay waajibkoodii shaqo.
Arrintaa ayaa sababtay in la baahiyo Liiska Magacyada Xidhibaano baddan oo golaha kasoo xaadiri waayay, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa soo saaray qoraal lagu baafinayo mudanayaal uu sheegay inay sabab la’aan uga maqnaayeen fadhigii golaha ee u dambeeyey toddobaadkan.kuwaas oo magacyadoodu yihiin sidan:-
Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, Cabdillaahi Axmed Yuusuf (Madar), Cabdiqaadir Askar Xasan, Xaashi Xuseen Caabi, Xuseen Ismaaciil Yuusuf, Khadar Aadan Xuseen (Ambasadoor), Mahdi Xuseen Cadare, Maxamed Jaamac Cabdi, Muuse Maxamed Ismaaciil (hoos-u- jeed), Siciid Cilmi Rooble, Siciid Maxamed Cilmi, Maxamed Saalax Cige, Axmed Ducaale Bulaale, Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, Maxamed Baaruud Shide, Cabdillaahi Xuseen Cige, Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Maxamed Barkhad Miigane, Aadan Muxumed Hoori (Mataan), Ibraahim Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (looyer).
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com