Araweelo News Network

Dhaawac weyn oo aannay kasoo waaqsan ayuu Somaliland ku noqonaya Xeerkani”Xildhibaan Rayte

Daawo:  Dooda Ka Taagan Saamiga Kuraasta, Kootada Iyo Shuruudaha Murrashaxiinta Golayaasha Wakiiladda Iyo a Qodobo Kale

Golaha Wakiiladda Somalialnd, ayaa meel mariyay Odoroska Miisaaniyada 2019, 29 Dec 2018. photo File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  doodo laysku waajahay oo kulul ka yeeshay xeerka Golayaasha ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee xeer Lambar 90/2020.

Fadhiga I maanta oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa doodo xaasaasi ah laysku weydaarsaday, iyadoo ay madasha ka maqanaayeen inta badan xildhibaanada Sool. Sanaag Bari Iyo Awdal.

Xildhibaanada sida weyn doodoodu usoo Jiidatay Mudanayaasha madasha fadhiyay, waxa ka mid ahaa xildhibaan Ibraahin Jamac Cali (ina Jaamac Cali Dheere) Rayte, Cabduqaadir Jirde Iyo Xildhibaan Maxamed Jamaac, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo xubno kale oo ka mid ah xildhibaanada ka qaybgalay dooda.

Sadexda Xildhibaan, ayaa si qotadheer uguga hadlay dooda, waxayna dul istaageen Qodobada  xeerkaa ee ka hadlaya Saami Qaybsiga,Shuruudaha Musharaxiinta ,Koontada oo iyadu aan ku jirin xeerka  Iyo Qoddoba kale, kuwaas oo dooda ka dhigay mid xaasaasi ah.

sidoo kale, waxa dooda sii kululeeyay Kaddib markii Gudi hoosaadka xeerka gacanta ku haysay ay qodobada qaar ku soo dareen xeerka doorashooyinka, iyadoo   xildhibaanada dooda ka qayb galay qaarkood ku tilmaameen Qayru sharci ,isla markaana siweyn uga qayliyeen,  iyagoo  ku dooday in guddidu aannay xaq u lahayn taas, balse ay leeyihiin oo keliya soojeedin

Dooda ugu kululayd ee  Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, Xildhibaan Maxamed Jaamac Iyo Xildhibaan Cabduqaadir Xaaji a ismaaciill Jirde Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.

Halkan Ka Daawo.