photo file Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha Gudi hoosadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Musuq maasuqa ee golaha wakiillada, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa warbixin uu ka jeediyay fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ku kashifay qaabka khaldan ee loo maray wareejinta Haammaha shidaalka Berbera.
Guddoomiye Maxamed Cali Xisri Obama, wuxuu ku tilmaamay arrintaa mid khaldan oo aan waafaqsanayn qaanuunka iyo dastuurka dalka, isla markaana abuuri karta dhibaato, wuxuuna sidaa ku sheegay warbixin ay guddi ahaan soo diyaariyeen oo uu golaha ka akhriyay, isagoo xusuy intii ay ururinayeen warbixintan inay la kulmeen Maamulka Haammmaha shidaalka iyo Hay’addaha ay khusayso ee dawlada, kuwaas oo uu ku amaanay sida ay guddida u dhegeysteen, isla markaana uga jawaabeen su’aalihii ay uga baahnaayeen.

Guddoomiyaha GudidaMaxamed Cali Xirsi (Obama) oo waxa uu warbixintaa ku sheegay in aan wakhtigan loo baahnayn in la wareejiyo Kaydka Haamaha Shiidaalka oo uu sheegay in 18-kii bilood ee u danbeyey ay ka soo baxeen 24 Milyan oo Dollar, waxaanu xusay in dhaqaalaha intaasi leeg qaranku ka helo Haammaha Shiidaalka loona baahnayn in Dad Gaar ah ama Shirkado lagu naasnuujiyo.

Waxa ay guddidu soo jeedisay in golaha wakiilladu go’aan ka soo saaro wareejinta Kaydka Haammaha Shidaalka Berbera, islamarkaana goluhu laalo qorshaha xukuumaddu ku wareejinayso Kaydka Haamaha shidaalka.

Guddoomiyaha guddida ayaa tilmaamay cawaaqib xumo ka dhalan karta arrintaa iyo dastuur jabin ku macneeyay wareejinta Haammaha, isagoo yidhi, “Waxay keenaysaa in la xidho Kooto, oo shirkaddo gaar ah kooto loogu xidho, taasina waxay jebinaysaa dastuurka oo sheegaya suuq xor ah, waxayna noqonaysaa naas nuujin iyo in cid gaar ah in loo xidho ganacsiga shidaalka, mar haddaan umadda la soo dhex dhigin, mar haddaan tartan xor iyo xalaal ahi dhicin oo aan qandaraas lagu bixin.

Arrintani waxay keenaysaa inaanay shirkaddahani u oggolaan shirkaddo kale oo shidaalka keena, tusaale ahaan shiraddahani waxay keenaan Badroolka, haddiiba shirkaddo kale ay keenaan markab shidaal ah oo kooda ka jaban, xaggee bay ku shubanayaan, marna shirkaddaha lagu wareejiyay ma oggolaanayaan inay shidaalka shirkaddo kale oo tartan ka dhexeeyaa shidaal ku kaydsadaan Haammaha.
Inaanay Shirkaddahan yar-yari samayn Karin maalgashi u dhigma ka dawladdu ku samayn karto haammaha, ayaa muuqata.

sidaa darteed ma jirto sabab shirkaddo yar oo maxalli ah loogu wareejiyo. Dawladdu xaq bay u leedahay haddii ay awoodi waydo maalgalinta Haammaha inay ku wareejiso shirkad kale oo awooda, tusaale haddii $ 4 Milyan dollar ay u baahan yihiin Haamuhu oo aanay dawladdu awoodin shirkad awoodda way ku wareejin kartaa, laakiin in shirkaddahan yar-yar ee is urursaday inay dawladda ka qani san yihiin ma muuqato, mana aha kuwo dabooli kara baahida Haammaha shidaalka” ayuu yidhi Xildhibaan Obama.

Guddoomiyuhu warbixntaa uu ka sheegay golaha waxay mudanayaashu ka sameeyeen buuq ka dhashay soo jeedinta Guddoomiyaha Gudidaasi waxaana Xildhibaanada Baddankoodu soo jeediyeen in cod loo qaaddo arrintaa, balse guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro oo kulankaa shir guddoominyay ayaa ka codsaday in maalinta barri ah codka loo qaaddi doono, mudaneyaashuna soo akhristaan warbixinta guddidu ka diyaarisay kaydka Haammaha shidaalka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay soo baxday in qaab hoose oo tuugo ah loogu wareejiyay Haammmaha Shidaalka shirkado yar yar oo ay leeyihiin shaqsiyaad aan ka fogayn qasriga Madaxtooyadda, waxaana arrintan ka dhashay doodo si weyn shacbiga dareenkooda usoo jeediyay, iyadoo kulan Wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim guddida u xaqiijiyay inuu socdo qorshe Kaydka Haammaha Shidaalka loogu wareejinayo shirkaddo gaar loo leeyahay

Axsaabta mucaaradka iyo dadka u dhuun daloola arrimaha heshiiska qarsoon ee Haammaha shidaalka Berbera ee lagu wareejiyay shaqsiyaadka gaarka ah, ayaa sheegaya in saddex shirkadood oo cusub oo dhowaan la sameeyay iyo saddex kuwii hore u maamulan jiray ah lagu wareejiyay Haammaha, kuwaas oo Madaxtooyaddu heshiis hoose la gashay, iyadoo aan la marin nidaamka sharciga ah iyo in loo soo bandhigo bulshada, wuxuuna qorashahan ahaa mid daba socday heshiisyada aan la marin guddida qandaraasyada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo caadaysatay, kuwaas oo golaha Wakiiladdu aanay soo hadal qaadin.

Golaha ayaa ku doodaya inaanu soconayn heshiis aan nidaamka sharciga la soo marin oo si hoose loogu wareejiyo Kaydka Haammaha Shidaalke ee Berbera, balse ma jirto rajo buuran oo goluhu ku hor istaagayo tallaabadaa, iyadoo aan looga baran inay ka hadlaan mashaariicda qandaraasyada iyo heshiisyada sidan oo kale ee aan la marin Hay’adda qandaraasyada ee magac u yaalka noqotay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews