samale1

Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa Su’aalo ku boobay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaaleka waydiiyay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, kuwaas oo la xidhiidhay Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo Golaha in muddo ah hortaalay.

Mudanayaal door ah, ayaa Wasiirka wax ka weydiiyay Odoroska miisaaniyadda, waxaana meelaha mudanayaasha sida gaar ah qaarkood su’aalohoodu la xidhiidheen ka mid ahaa Arinta horumarinta Gobolada Bari, gaar ahaan Lacagta kabka ah ee 2%-ga ah ee loogu tala galay in lagu horumariyo Gobolada Bariga, taas oo la weydiiyay inuu caddeeyo Mashaariicda ilaa hadda lagu hirgaliyay, maadaama lacagtaa oo gaadhay Malaayiin doolar aanay muuqan wax cad oo loogu qabtay gobolada Bariga, wuxuuna isagoo taas jawaab ka bixinaya yidhi, “Arinta la xidhiidha Gobolada Bariga iyo wax ka qabadkooda,umay yaraysan Xukuumaddu, wax badan bay ka qabatay, hadday tahay Iskuulo, hadday tahay Dhakhtaro, hadday tahay Waddooyin iyo hadday tahay Kaabayaasha kale ee dhaqaalaha ee kala duwan oo runtii si weyn bay xukumaddu wax uga qabatay Intaas oo Xannaano(MCH), intaas oo Iskuul, intaas oo Jaamacadood, intaas oo wado bilaw ah intuba waxay runtii ka mid yihiin waxyaabaha XUkumadda Kulmiye wax ka qabatay 2%-dana sidoodii ayay u galaan dakhli ka baddana wuu galaa Gobolada Bari” ayuu yidhi Wasiir Samaale, balse muu tilmaamin goobaha iyo deegaamada laga hirgeliyay wadooyinka, Iskuulada iyo MCH-yada uu sheegay in lacagtaa 2% laga fuliyay.

Mar la weydiiyay Wasiir Samaale bahida xukuumadda ku kaliftay in la iibiyo Guryaha Dawlada iyo halka ay marto lacagta lagu iibiyaa, wuxuu yidhi, “Guryaha la iibinayo, dawladdu waxay xaq u leedahay in wixii Guryo dawladeed ah ee aan la isticmaalayn la iibiyo oo Lacagta lagu Iibinayaana ay gasho Kharasha Dawladda iyo Miisaaniyadda, markaas Miisaaniyadda 2015-ka waxaa ku jira Guryaha dad ku jiro oo u baahan in loo Sharciyeeyo oo si sharci ah looga iibiyay islamarkaana Miisaaniyadda ayay ku cad yihiin, lacagta ka soo xaroonaysa Guryahaasi Miisaniyada waxa wey kuma ah oo waa wax kooban” Ayuu yidhi Samaale.

Sidoo kale waxa la weydiiyay shaqaalaha Dawlada iyo tiradooda, wuxuuna Tirada Shaqaalaha Dawlada ee Somaliland intii ay ahayd Xukumadihii hore ka horaysay 2010-kii ku sheegay inay ahaayeen 8504, balse Xukuumadda Kulmiye Sanadkan 2015-ka shaqaalaha dawladu yihiin 16089, isagoo ku dooday in shaqaalaha Dawladu ay qaadato hay’adda Shaqaaluhu oo ay Imtixaan ka qaado, isla markaana Shaqaalaha dawlada ee Gobolada Barriga imtixaanka lagaga qaaddo Burco, halka Gobolada kalena Hargeysa Laga qaado.

Wasiirka Maaliyadda Samaale oo la weydiiyay Qiimaha Xad-dhaafka ee laga qaado qofka muwaadinka ah ee doonaya inuu qaato Basaboorka Somaliland oo ah mid Qiimiha lagu qaataa kor u dhaafay 160- Dollar iyo sababta dhlisay arrintaa, wuxuu ku dooday in Qiimaha lacagta E-Passaporka aanay wasaarada Maaliyadu Dajin, balse Golaha wakiiladu Ansixiyeen, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray inay Wasaarad ahaan kordhiyeen cashuuraha.

Sidoo kale wax aka mid ahaa Su’aalaha la weydiiyay Wasiir Samaale sababta dayaca Xabsiga Boorama iyo waxay xukuumaddu Miisaaniyadda ugu dari weyday dhismaha xabsigaa iyo sababta loo kordhin waayay dhaqaalaha la siiyo xabsiyada, balse waxa uu ku dooday Wasiir Samaale in Miisaniyadan sanadka 2015, lacag loogu daray dadka maxaabiista iyo Guud ahaan Garsoorka dalka waxanu xusay in baahiyaha dalka ka jiran aan mar kali ah lawada kafeyn karayn basle kolba mid ay dhameyndoonan.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com