Araweelo News Network

gwakiiladasomaliland
Hargeysa (ANN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood kulul ka yeeshay nuxurka heshiiska aan rasmiga ahayn ee xukuumaddu la saxeexatay shirkadda DP World ee lagu maalgelinayo Dekedda Berbera.
Doodda heshiiskan oo xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada maalintii Sabtida waxa isu diiwaangeliyey xildhibaanno badan, iyadoo ay fadhigii shalay ka qaybgaleen toban mudane oo isugu jira muxaafid iyo mucaarid, kuwaasoo si xooggan ugu kala aragti duwanaa heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera.
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah mudanayaasha ka soo horjeeda heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP World, ayaa dooddiisa ku sheegay in mad-madow badan ka muuqdo heshiiska, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan wax dan ah ugu jirin qaranka.
“Haddii aad akhrido warqada uu ku qoran nuxurka heshiiska maalgashiga, waxa imanaya iska horimaad xisaabeed, waxana ku qoran in sannadka koowaad shirkadda DP World ay bixinayso $190 milyan oo doollar ayey bixinaysaa, haddana halka qawska ah (braket) waxa qoran $170 milyan, waxana u dhexeeya farqi ah $20 milyan. Tolow yaa qaatay lacagtaas? Markaa waxa muuqata in kuwa (xukuumadda) aynu heshiiska u dirannay ay dano gaar ah ka muuqdaan, waxanna ma waafaqsana Xeerka Maalgashiga Caalamiga ah, waxana Wasiirkii Ganacsiga ee ay ahayd inuu guddida ku jiro waa laga takooray, waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa kuma khasbanin in aannu ansixinno, baarlamaankuna wuxuu ku dhisan yahay cod, markaa ciddii doonaysa inay gacanta u taagto way u bannaan tahay, kii diidayoowna diid,” ayuu yidhi Md. Xoog.
Mudanayaasha mucaaridka ah ee heshiiskan ka soo horjeeda, ayaa doodahooda ku sheegay in ansixintiisu khasaare u ku tahay qaranka Somaliland, waxayna qaarkood tilmaameen in muddo kooban u hadhsan tahay xukuumadda KULMIYE, sidaa darteedna ay danahooda oo qudha ku saleeyeen isfahamka guud ee heshiiska maalgashiga Berbera.
Waxa kaloo doodda shalay ka qaybgalay Md. Maxamed Faarax Qabille oo si qoto-dheer uga hadlay ceebaha uu sheegay inay ka buuxaan waraaqaha lagu soo koobay nuxurka heshiiska, waxaannu xusay in wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibaddu golahooda ka hor caddeeyeen in aannu ahayn heshiiskii dhabta ahaa.
“Maadaama xukuumaddu inoo caddaysay in aannu heshiiskan ahayn mid dhammaystir, waxa aan leeyahay yeynaan qaadin (ansixin) wax aan dhammaystirnayn, waxaanan soo jeedinayaa innaga oo waddankan u hayna masuuliyad qaali ah in aynaan ku ceeboobin tan (ansixinta heshiiskan), waana in loo tudho qaranka,” ayuu yidhi xildhibaan Qabille.
Sidoo kale, Md. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo isna ka mid ah mudanayaasha sida weyn uga soo horjeeda heshiiskaas, ayaa tibaaxay inay muhiim iyo waajib sharci tahay in heshiiska rasmiga ah ee labada dhinac kala saxeexdaan la horgeeyo golaha si ay u ansixiyaan.
“Xukauumaddu xaq uma laha inay iibiso, gasho amma wareejiso, waxa ay doontana ka yeesho hantida qaranka haddii aannu jirin xeer ka soo baxay Golaha Wakiillada oo u oggolaaday. Waxa kaloo dastuurku waajibiyey in si sharciga waafaqsan loo maamulo hantida qaranka, haddii aannu sharcigii jirinna si kasta oo la sameeyo sharciga ma waafaqsana, waayo waxa shardi ah jiritaanka sharciga maamulka hantida qaranka, golaheenuna ma soo saarin sharcigaas. Waxa ay xukuumaddu ku shaqaynaysaa ilaa hadda waa madhnaan sharci (legal vacuum), madhnaan sharcina waa sharci-darro,” ayuu yidhi Md. Rayte.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa aynu innagu u joognaa maanta waa hanti qaran oo la wareejinayo amma la kiraynayo, waxaynu u baahannahay in aynu sharciga waafajinno, haddii iyadoon sharcigu jirin goluhu oggolaado marka heshiiska la keeno, waxa aynu odhan karnaa goluhu wuxuu bixiyey awooddiisii sharci. Waxan la inoo keenay ma aha heshiis rasmi ah oo waraaqaha ayeyba ku qoran tahay arrintaasi, loomana macnaysan karo inuu yahay heshiis, mana ansixin karno warqadda noocaas ah, laakiin waxa aynu ansixinaynaa waa wixii uu inoo sheegay Wasiir Sacad Cali Shire oo ahaa in iyadoo laga duulayo mabaa’iida ku qoran halkaas (qoraallada loo gudbiyey wakiillada) aynu galno heshiis.”
Md. Siciid Cilmi Rooble oo doodda ka qaybgalay shalay, ayaa dhinaciisa ku baaqay in Golaha Wakiilladu raadiyo tallooyinka ragga khabiirada caalamiga ah ka bixiyeen qaabka heshiiska ay kala saxeexanayaan xukuumadda Somaliland iyo DP World.
“Xaq uma lihin in aynu ansixino mabaadii’da guud ee meesha ku qoran, waxa aynu xaq u leenahay in aynu ansixino waa heshiis iyo xeer,” ayuu yidhi Md. Rooble oo sheegay in aan Golaha Wakiillada loo keenin heshiis rasmi ah, sidaa awgeedna aanay ahayn in la ansixiyo.
Md. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa dooddiisa ku sheegay in xukuumaddu heshiis caalami ah la geli karto dawlad amma shirkad caalami ah, balse aanay wax ruqsad ah uga baahnayn Golaha Wakiillada, hase yeeshee goluhu awood u leeyahay inuu ansixiyo heshiisyada xukuumaddu gasho.
“Kan la inoo keenay maaha heshiiskii, waxana la innaga codsanayaa in aynu u ansixinno ruqsad ay xukuumaddu ku soo gasho heshiis, goluhu wuxuu xaq u leeyahay heshiis la saxeexay oo dhammaystiran oo aanay waxba qabyo ka ahayn…. Wasirradu waxay inoo sheegeen in shirkadda DP World ay ka shaqayso dalal badan oo caalamka, wuxuuna Wasiir Sacad inoo sheegay in shirkaddu dhaqaale badan heshay oo ay tahay mid guulaystay, laakiin inooma sheegin meelaha shirkaddu ku khasaartay amma ku guuldarraystay, waxana inoo muhiim ah in aynu ogaanno meelaha ay ku guulasatay iyo meelaha ay ku khasaartay.
Waxa aynu haynaa in mandaqadeennan laba dekedood laga saaray (DP World); meel waa Jabuuti, meelna waa Yemen, markaa goluhuna wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado sababta shirkadda DP World looga saaray Jabuuti iyo Yemen. Waxa kaloo uu xaq u leeyahay sababta looga saaray dalka Senegaal (galbeedka Afrika), taasna xaq ayeynu u leenahay,” ayuu yidhi Md. Cabdiqaadir Jirde.
Waxa kaloo uu ka codsaday shirguddoonka in Golaha Wakiilladu xaq u leeyahay inay u yeedhaan shirkadaha caalamiga ah ee Somaliland kala taliyey heshiiska DP World, Wasiirradii hore ee Arrimaha Dibadda, Maxamed Biixi Yoonis iyo Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu tilmaamay inay wax badan ka ogyihiin heshiiskan, maadaama ay ku jireen wadahadalka dhexmaray DP World iyo Somaliland muddadii ay xilka hayeen.
Md. Maxamed Jaamac Cabdi iyo Md. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudanayaasha muxaafidka ah, ayaa iyaguna doodooda ku sheegay in heshiiska maalgashiga dekedda Berbera yahay mid faa’iidooyin dhaqaale iyo siyaasadeedba u leh qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteedna ay muhiim tahay in Goluhu ansixiyo.
“Heshiisyada leh dabeecada noocan oo kale ah ee xukuumaddu gelayso waxa ka hadlay shuruucda caalamiga ah, waxaanna loo raacayaa qodobka 36aad ee xeerka ganacsiga caalamiga ah, wuxuu tilmaamayaa habka loo ansixiyo heshiisyada sidan oo kale ah, wuxuuna u kala qaadayaa laba qaybood;
1. Haddii uu leeyahay dammaanad oo darafyada wax wada gelayaa ay dammaanadoodu tahay nooca maaliyadda, habka bangiyada iyo sida dawladaha la aqoonsan yahay, haddii noocaas yahay, heshiiska oo la saxeexay ayaa la ansixin karaa;
2. Haddiise darafyada midkood amma dhammaantoodba aanay lahayn dammaanad-qaadkaas oo aanay haysan, isla markaana aanay lahayn kalsooni maaliyaddeed iyo aqoonsi, waxa sharcigu leeyahay in horta la ansixinayo mabaadii’da guud, in heshiiska rasmiga ah la galena, waxa dammaanad u noqonaya ansixinta iyo saxeexa baarlamaanka.” Sidaa waxa yidhi Md. Maxamed Jaamac oo sharraxay sababta keentay in heshiis qabyo ah loo soo gudbiyo Golaha Wakiillada.
“Xubnahani (masuuliyiinta xukuumadda ee u xilsaaran heshiiska) waxay dammaanad-qaad u yihiin in la geli karo heshiiskaas, xukuumadda ayeyna dammaanad-qaad u yihiin, waxayna dammaanad-qaad u yihiin in la geli karo heshiiskan maalgashiga ah, ansixinteenna ayaana lagu saxeexayaa oo dammaanad u ah heshiiska rasmiga ah. Qodobka 12aad, xubintiisa 3aad ee dastuurkeenuna wuxuu leeyahay in Somaliland ku dhaqmayso shuruucda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, isla markaana aan ka horimanayn qarannimadeenna. Markaa Xeerka Ganacsiga Caalamiga ah wuu ina qabanayaa, waynanu ku dhaqmaynaa, waxaannu kaasi inoo bannaynayaa in aynu qaadano madaabii’dan oo xukuumadda u fasaxno inay gasho heshiiska rasmi ah,” ayuu sii raaciyey xildhibaan Maxamed Jaamac.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah mudayaasha taageeray in la ansixiyo heshiiska, ayaa si faahfaahsan uga hadlay guud ahaan 77 dekedood oo uu sheegay inay maamusho shirkadda DP World, kuwaasoo ku kala yaal ilaa 40 waddan oo caalamka, waxaannu xusay in heshiiskan yahay mid faa’iidooyin badan u leh Somaliland iyo horumarka dekedda Berbera, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la ansixiyo.
Doodda mudanayaasha Golaha Wakiillada ee heshiiska lagu maalgelinayo Dekedda Berbera, ayaa sii socon doonta Salaasada maanta, iyadoo kadibna la filayo in cod loo qaado si loo ansixiyo amma loo diido nuxurka heshiiska xukuumaddu u gudbisay.