munasibada Sagaljet
Hargeysa(ANN)Shirkadda Daabacaadda xayeysiiska casriga ah ee SAGALJET, ayaa abaalmarinno guddoonsiisay sagaal dhallinyaro ku guulasatay tartanka shirkaddu u qabatay qoraalka buugaagta oo ay ka qaybgaleen dad badan oo qaybaha kala duwan ee bulshada ah.
munasibadasagaljet2Xaflad loo sameeyey ku dhawaaqista natiijada tartanka shirkadda SAGALJET u qabatay qorista buugta oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa xalay,Marwada kowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cabdikariim Axmed Mooge, maamulka shirkadda SAGALJET, guddi aqoonyahan qoraalka ah oo ka garsoortay tartankaasi iyo marti sharaf fara badan, waxa halkaasi lagu soo bandhigay tartantaasi oo loo qabtay dhallinyarada wax qorta ee da’doodu ka yartahay 35 sanno jir, kaas oo hawshiisa kala reebistu socotay muddo dhawr bilood ah.

Maamulaha Guud ee shirkadda SAGALJET Cabdi Yuusuf Aar oo ugu horreyn xafladda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in tartankani ka dambeeyey ballanqaad uu ka sameeyey xaflad shirkaddiisu u qabatay laba buug oo ay kala qoreen laba hablood oo dhallinyaro ah bishii October ee sannadkii hore 2014, “Waxaannu xafladdaas ka ballanqaadnay in aannu ka caawin doono dhallinyarada aan awoodin amma aan fursad u helin inay buuggaagtooda soo saaran, waxaannuna qabanay tartan aannu ku xayeysiinay warbaahinta ka soo qaybgalka tartankaasi oo waliba dhallinyarada loo xidhay.

Waxa kaloo ballankayagu ahaa in saddexda qof ee ugu sarreeya tartankaas aannu bilaash ku daabici karno, qolooyinka kale ee dedaalay ee kaalmaha soo galayna aannu halkan abaalmarino ku siin doono si aannu u dhiirigelino,” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Aar, waxaannu intaa ku daray hadalkiisa, “Waxaan u mahadnaqaya guddida buugtan kala saaridooda ka shaqaysay oo aannu lacag ku siinaynay. Dhallinyarada waan dhiirigelinayaa, waxaanan leeyahay garabkiinna ayaanu taaganahay markan iyo marar dambeba waannu qaban doonaa tartannadan oo kale.”

Waxa kaloo Maamulaha SAGALJET ka warramay taariikhda iyo heerarkii kala duwanaa ee shirkaddiisu soo martay oo ah tii u horreysay ee dhinaca daabacaadda casriga ah oo dalka laga hirgeliyey sannadkii 2007-dii, taas oo ilaa waqtigaasi garab-taagnayd dhallinyarada oo u samaysay shaqo abuur ay ka faa’iidaysteen ilaa 100 dhallinyaro ah oo in badan oo ka mid ahi dhammaysatay waxbarashada jaamacadaha dalka.
Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo madax u ahaa Guddiga Kala Saartay Tartanka Buuggaagta, ayaa soo dhaweeyey, una mahadceliyey dhammaan dhallinyarada ka qaybqaadatay tartankan oo uu xusay in aan weli la gaadhin waqtigii la eegi lahaa tayada qoraalka, waxaannu yidhi, “Ma joogno waqtigii aan odhan lahayn tayadooda ha la eego ee hadda waxaynu u baahanahay tiro iyo in aynu cuqdada ka baxno oo xaafad kasta iyo magaalo kastaa jaamacad yeelato, taasna waxa la mid ah buuggaagta. Anigu shaqada iigu badan ee habeenkii iyo maalintii aan qabtaa waa qof dhallinyaro ah oo doonaayo inuu buug soo saaro ka eego, waana hawsha ugu badan ee Emayl, ballan amma telefoon kaga jawaabo, sidaas daraadeed ayaan u malaynaya in aynu joogno waqtiii aan odhan lahayn tayada ha la eego, sidaa darteed baa da’da loo xadiday oo la yidhi 35 jir wax ka yar.”
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Siciid Cadde oo ka mid ahaa Guddida kala saartay tartanka buuggaagta, ayaa halkaasi ku sharraxay shuruudaha loo dhigay tartankan oo ay ka qaybgaleen 30 tartamayaal ah, kuwaas oo maray saddex wareeg oo kii koowaad ay ku hadheen 14 buug, “Wareegga labaad waxyaabaha uu buuggu xambaarsan yahay sida in aannu diinta iyo dhaqanka ka horimaanayn, habka uu u qoran yahay, sida uu bulshada u saamaynaayo amma in buuggu ka hadlaayo arrin bulshadeena saamaynaya iyo heerka Af-Soomaliga iyo naxwaha uu ku qoran yahay, in buuggu tifaftiran yahay, in buuggu dhammaystiran yahay oo aannu ahayn mid kala dhiman, in buuggu uu leeyahay tix-raac, in cinwaanka buuggu mawduuca ka hadlaayo oo uu soo jiidanaayo qofka iyo in aan buuggu aannu ahayn mid laga guuraayo amma xilli keliya ku eekayn. Waxaanna markaa kadib isu soo hadhay 9 buug oo aannu u u kala saarnay kaalmo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdillaahi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey xafladdaasi, ayaa bogaadiyey dhallinyarada buuggaagta qortay iyo bahda qoraalka oo uu sheegay inay kaalin wayn ugu jiraan dalka iyo dadkaba, isla markaana uu isagu mar walba taageere u yahay da’yarta wax qorta oo uu jecelyahay inuu akhristo buuggaagto, kuwaas oo qaarkood ka qaybqaataan dejintiisa, isagoo si gaar ah u xusay sheeko ku qornayd mid ka mid ah laba buug oo laba hablood dhallinyaro ahi qoreen sannadkii hore, taas oo ka qaybqaadatay inay naftiisu ku degto maalintaasi.
Madaxa Mac-hadka Barashada Afka iyo Dhaqanka GAARRIYE ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdiraxmaan Faarax Guri-baraaqo, ayaa ka hadlay muhiimada qoraalku u leeyahay horumarka ummaddaha iyo dhaqanka bulsho kasta, isagoo ku dhiirrigeliyey dhallinyarada inay caadifadda ka koraan, waxaannu yidhi, “Dhallinyarada waxaan leeyahay qoraalku waa midi laba af leh, haddii aad six un u adeegsadto way ku heeraysaa, haddii aad si wanaagsan u adeegsatana samada ayuu ku marinayaa. Haddii aad been qorto amma waxaanad lahayn oo aad soo xaday qorto intay doonto ha noqotee waa lagugu ogaan, markaa waxaan idinkula talinayaa in aanay waxa aad qoraysaan idinka noqon caadifad, maanta dalkeenna waxa ka dhacaya dabaylo xun oo reero ku salaysan, haddii aad is-tidhaa reer gaar ah wax ka qor ama ugu hiilli waxaad ogaataa inay kugu soo bixi doonto oo lagu odhan doonaa maadigaa wax noo sheegay a sowdigii waxaa qoray. Qoraa walowba ka kor caadifadda oo runta isku sheeg, waxna ka qor wax wanaagsan oo dadkaaga iyo dalkaagaba anfaca.”

Marwada kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina-weris) oo madasha ka hadashay, ayaa hambalyo iyo bogaadinba u kala dirtay dhallinyarada buuggaagta qortay shirkadda SAGALJET ee tartanka u qabatay, “Qofku markuu wax qoro waa taariikh, haddii markaa qallinkaaga aad ku qorto wax naftaada, bulshadaada iyo qarankaaga wax u taraya ku qorto iyo haddii aad qorto wax dadku yidhaa maxaa waxan laga qoray? Mar walba taariikhda ayaa ku sheegaysa, markaa waxa qurux badan in mar walba waxa aad qoraysaa noqdo wax u fiican naftaada iyo qarankaagaba,” ayey tidhi Marwo Aamina-weris.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ku baaqay in bulshadu garabgasho dhallinyarada iyo dadka kale ee qoraaga ah, laguna garabgalo in laga iibsado buuggaagtooda.

 

Waxa kaloo xafladdaasi ka hadlay Agaasimaha dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO Siciid Maxamed Axmed, Qoraa Jaamac Muuse Jaamac iyo Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda TELESOM Maxamed Cabdi Darbo, kuwaas oo dhammaantood hambalyeeyey dhallinyarada tartanka ka qaybgalay, kuwa guulaystay iyo shirkadda SAGALJET oo ay ku ammaaneen doorka ay qaataday.

 

Ugu dambayntii waxa xafladda abaalmarino lagu guddoonsiisyey sagaalkii qoraa ee isugu soo hadhay tartanka oo ay ku jirto hal gabadh ahi, kuwaas oo mid walba la siiyey billad quraarad lagu daabacay magaciisa iyo magaca buugga uu qoray, iyadoo saddexda kaalmaha ugu sarreeya galayna si gaar ah shirkaddu ugu daabici doonto buuggaagtooda, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin;

 

1. Maxamed Ismaaciil Cali oo qoray buug la yidhaa Dir—sooc, 2. Maxamed Cabdillaahi Muuse oo qoray buug magaciisa uu u bixiyey Hannaanka Ganacsiga iyo 3. Sakariye Cabdixakiin Maxamed oo qoray buug la yidhaa Qurxi Noloshaada.