Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- inta badan dunida Islaamama, ayaa la iclaamiyay in berri ay tahay Maalin Ciid ah oo muslimiintu ay dabaal degayaan munaasibada maalinta ciidul Fidriga.

Dalalka Qadar Iyo Sucuudiga ayaa cawyskii iclaamiyay curashada Bisha Shuwaal, iyadoo Somaliland Iyo Soomaaliya lagaga dhawaaqay in maalinta beri ee Axada Ciid tahay.

Qaybo Ka mid ah geyiga Soomaalidu degto, ayaa Laga arkay Bisha Shuwaal, Gobolka Sh.dhexe ee Soomaaliya, ayaa ka mid ah meelaha caawa laga arkay bisha Shawaal,gaar ahaan deegaanada Caddaan Laxeey iyo Cadcadeey ayay dad ku sugan warbaahinta u xaqiijiyeen.

Sidoo kale Degmada Buula Fuulay ee gobolka Baay Ka tirsan ayaa kamid ah magaalooyinka laga arkay bisha Shawaal ee Sanadka 1438 Hijriya.

Dad ku sugan degmooyinka Balcad,Afgooye iyo Kaaraan ayaa iyana la Xaqiijisay in Ay arkern Bisha Shawaal sidaas awgeed ma Jiro muran iyo khilaaf in berri ay tahay maalin ciid ah dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Ciid Wanaagsan ayay howlwadeenada araweelo News Network leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Allaah waxaan weydiisanaynaa in uu naga aqbalo acmaasha nagana xureeyo Naarta.