Araweelo News Network

qaraxkadhacayMuqdisho (ANN)- Kooxda Al-shabaab ayaa qarax gaadhigiisa loogu xidhay ku khaarajiyey sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad-sugidda maamulka Soomaaliya badhtamaha magaalada Muqdisho duhurnimadii shalay.
Sarkaalka oo la odhan jiray Axmed Shuuriye, ayaa la sheegay inuu ku dhintay qarax loogu xidhay baabuurkiisa oo ku sugnaa meel ku dhow xarunta taliska guud ee ciidanka Nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho.
Xoogagga Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa lagu dilay sarkaalka sare ee ka tirsanaa Nabad-sugidda maamulka Muqdisho, iyagoo hore ugu hanjabay inay weerarro qorshaysan la beegsan doonaan masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo kuwa ajnebiga ah ee halkaas ku sugan.