milateriga somalia
Muqdisho(ANN)Ciidamo Milateri oo ka mid ah kuwa Dawlada Somalia ee ku suagn Magaalada Muqdisho, ayaa sameeyay gedood raabshada wata oo saamyn ku yeeshay xaalada amaanka iyo isu socodka gadiidka Muqdisho.
Ciidamadaa oo ahaa kuwo Tababar uga socday Xerada Jaziira ee kutaala Duleedka Magaalada Muqdisho, waxayna boqolaal ka mid ah Ciidanka ku jiray xeradaa oo hubaysan usoo baxeen shaaraca, iyagoo jejebiyay, isla markaana khasaare gaadhsiiyay gaadiid marayay wadada muhiimka ah ee marta halkaa. Sidoo kale waxay cabsi geliyeen dadka shacabka ah ee adeegsada wadada iyo meelaha ku dhow Xerada.
Gaadiid ay wateen Ciidan kale oo doonayay inay maraan wadada, ayaa tacshiirado rasaas ah ku furay Ciidanka Gedooday, taas oo xaalada amaanka wax ka bedeshay, isla markaana abuurtay cabsi, balse saraakiil Milateri ah oo mar danbe gaadhay goobta, ayaa xaalada dejiyay, waxayna dhegeysteen cabashada Ciidanka gedooday oo sida ay sheegayan warar laga soo xigtay saraakiisha Milateriga la xidhiidhay Mushahar La’aan iyo dayac ay tirsanayeen mudadii ay tababarka ku jireen.
Saraakiisha goobta gaadhay, ayaa wararku sheegayaan inay balanqaadeen sidii wax looga qaban lahaa tabashada Ciidanka, isla markaana sida ugu dhaqsaha baddan ay jawaab ugu soo celinayaan, sidaa awgeed waxay ka codsadeen inay xaalada dejiyaan oo ka war sugaan.
Maaha markii u horaysay ee ay Ciidamada Dawlada Somalia sameeyaan gadood iyo rabshado la xidhiidha cabashooyin dhinaca mushaharka iyo daryeelka ah, balse waxay arrintan oo kale dhacday marar baddan, waxaana marar qaar dhaca dagaalo khasaare dhaliya oo dhexmara Ciidamada, taas oo ay sabab u yihiin, iyadoo ciidamada Dawlada Somalia yihiin malayshiyaad aan meel keliya laga wada amrin, isla markaana aan lahayn intooda baddan akhlaaqiyadkii Ciidan, taas oo sababta inay dadka shacbiga ah mararka qaar dhibaatooyin u geystaan oo ay galaan denbiyo kufsi iyo dilal ay u geystaan dad aan waxba galabsan oo maato ah, waxayna denbiyadaasi niqdaan kuwo aan intooda baddan waxba laga qaban oo aan la helin dadkii geystay.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com