muungaab
Mogadushu(ANN)Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, ayaa lagu arkay Cudur aan weli la aqoonsan oo sababay dhimashada dad shacab ah iyo dhaawac tiro baddan. Kadib markii Degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen maanta in kabadan 10 qof, tiro ku dhow Boqol qpf oo kalena loola cararay Cisbitaalka.

 

Saraakiisha caafimaadka ee Muqdisho ee la geeyay Cisbitaalladoodda, ayaa sheegay in dadka ay dhinteen kadib markii sida la rumaysanyahay uu haleelay cudur aan la aqoonsan oo ay ka qaadeen Ceel Biyood ku yaala deegaankaa, kaas oo loo malaynayo in la sumeeyay.

 

Dhinaca Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Xasan Maxamed Muungaab oo VOA wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in cudurkan ay u malaynayaan inuu yahay shuban-biyood, balse ay ilaa imika baadhayaan, wuxuuna sheegay in 95 qof oo biyahan cabay la dhigay Cisbitaallada magaalada.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo ka degmaduba markii arrintaa la ogaaday ay xidheen ceelka loo malaynayo in Biyaha laga cabay oo ku yaalla xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshid.

Halkan ka Dhegeyso  Waraysiga Guddoomiyaha BanaadirRiix

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com