Berdaale(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay, isagoo doonaya sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.

Ra'iisal wasaare Xasan Cali Khayre, oo booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay oo Fatahaada Webigu saamayay.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, oo booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay oo Fatahaada Webigu saamayay.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekada Araweelo News Networ, wuxuu Khayre booqday goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha, isagoo dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaadaha.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisal Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

qaar ka mid ah dadka ku barakacay fatahaada webiga deegaanka Berdaale eegobolka  Baay
qaar ka mid ah dadka ku barakacay fatahaada webiga deegaanka Berdaale eegobolka Baay

Sida lagu sheegay qoraalkaa Ra’iisal Wasaaraha, ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha ka qayb qaatay dadaallada gurmadka, wuxuuna ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’ addaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

“Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaadhsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu wado qorshe xal waara lagaga gaadhayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka, isla markaana ay dhowaan soo saarayaan siyaasad cad oo lagu wajahayo.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya