araweelonews-300x168Mogadishu(ANN)Dablay Hubaysan oo aan la aqoonsan, ayaa weerar qorshaysan ku khaarajiyay Eng. Cabdullaahi Cali Cashuur oo ahaa Saraal u dhashay Somalia, balse dhalasho Maraykan ah sitay, kaas oo la shaqaynayay Hay’addaha laga leeyahay Dalka Turkiga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa ka dhacay caawa Sarta loo yaqaan Saybiyaano ee Xaafada Hodon Magaalada Muqdisho, waxaana sida laga soo xigtay dad goobta ka dhowaa weerarka sarkaalka lagu dilay fuliyay dablay aan la aqoonsan tiradooda, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay fuliyeen weerarkaa.
Dhinaca kale Dagaalo ka dhacay Buula-berde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa waraka qaar sheegayaan in ay ku dhinteen Askar u dhashay Dalka Djibouti oo ka mid ah Ciidamada nabad Ilaalinta ee AMISOM oo ku sugan halkaa, waxaana dagaalka ka dhacay halkaa dhexmaray Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaankaa iyo Al-shabaab oo weeraro teel-teel ah ka wada qaar ka mid ah deegaamada gobolada Dhexe iyo Koonfurta.
Ma jiraan warar Madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha labada dhinac ee dagaalada ka dhacay Hiiraan, isla markaana ma jiro wax war ah oo dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ay kasoo saareen dagaalka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com