komishanka1

Hargeysa(ANN)Xubnihii cusub ee Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah Xilkii ula wareegay maanta, munaasibada xil wareejinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sadexda xisbi ah, ayaa lagu qabtay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa.
Waxaana sidoo kale munaasibada xil wareejinta xubnaha cusub doorteen hoggaan cusub oo ah Guddoomiye iyo Guddoomiye Xigeen, balse waxa doorashada xubnaha buuq ka sameeyay labada Xisbi Mucaarad oo sheegay in aanay ku qanacsanayn xubnaha loo doortay hoggaanka, iyagoo madasha debeda uga baxay Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha WADDANI, Maxamed Cabdullaahi Uur-doox oo madasha fadhiyay, balse waxa markaa ka dib lagu soo celiyay hoolka lagaga dhawaaqay hoggaanka cusub ee Komishanka.
Halkan ka Daawo


Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com