Araweelo News Network

 

Boorama(ANN)– Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xaflad balaadhan ku qaabilay 19 xubnood oo iskugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Olole yaqaankii xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal oo usoo diga-rogtay xisbiga Waddani.

Munaasibada soo dhaweynta masuuliyiintan oo xalay ka dhacday hotel Rays ee magaalada Boorama ayaa waxa ku dhamaa xafladaasi dhamaan masuuliyiinta xisbiga Waddani ee gobolkaasi u dhashay, Suldaanka guud ee gobolka Awdal iyo siyaasiyiinta xisbiga Waddani ee ka soo safray caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo dhamaantood u riyaaqay xubnahan ay quluubtooda kasbadeen ee ku soo biiray xisbiga Waddani.

 

Munaasibadaasi oo masuuliyiintu ay khudbado kala duwan ka jeediyeen ayaa ugu horayn Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaa ka jeediyey waxa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Anoo ku faraxsan, waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa 19-ka siyaasi iyo aqoonyahan ee haweenku ay ku jiraan oo sawiradooda aad xaga dambe ka arkaysaan dhinacyadaydana taagan ee caawa munaasibada iska lahaa, kuna soo biiriyey caqligooda, cududooda, wakhtigooda iyo xoolahooda xisbiga Waddani aad iyo aad ayaan uga mahadnaqayaa. Waxaan leeyahay ku soo dhawaada xisbi aan la kala lahayn oo lagu soo kala horeeyey uun, waxaan si gaar ah u xusayaa sida hore loo xusay Xaawa oo ahayd xidiga ka dhex muuqday 19-ka xubnood.” Ayuu yidhi Murashax Ciro, waxaanu sidoo kale Shacabka Somaliland iyo Shacabka Dawlad Deegaanka Ethiopia ee Kililka Shanaad uu ka tacsiyadeeyey dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey Kililka Oromada, waxaanu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa madaxda iyo madaxweynaha Kililka shanaad ee Itoobiya iyo dhamaan shacabka Somaliland waxaanan ka tacsiyadaynayaa dadkii tirada badnaa ee shacbiga ahaa ee lagu laayey deegaanka Oromiya. Laba shacab oo aan kala maarmin ayaynu nahay Kililka iyo Somaliland, waxaan illaahay uga baryayaa in naxariistii jano a waraabiyo dadii la laayey, dhamaanteena samir iyo iimaan ka siiyo.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

Sidoo kale Musharaxa Madaxweyne ee xisbgia Waddani waxa uu shacabka gobolka Awdal gaar ahaan Degmada Boorama iyo Dila uu uga mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyeen weftigiisa waxaanu yidhi “Waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa dhamaan shacbiga gobolka Awdal gaar ahaan degmada Boorama iyo degmada Dila oo shalay soo dhaweyn ma odhan karo balse mucjiso ka muujiyey wixii halkan ka dhacay, waxa laga yaabaa in aanaan aad ugu soo noqnoqon gobolka hadaanu xisbiga Waddani, Muuse iyo Kulmiye aad ayay ugu soo noqnoqdeen, waxaan u malaynayaa labaatan jeer ayay yimaadeen, laakiin malaha anagu laba jeer ayaanu nimidoo wixii oo dhan waxa isku fuuqsaday soo dhaweyntii shalay, waxay ahayd fariin adag oo shacbigu ku muujiyey inuu isbadal doonayo, waxay xaqiijiyeen shacbigu inay doonayaan in cida ay doonayaan in la badalo ay Kulmiye tahay.”

Musharax Waddani isagoo ka hadlaya dilkii ka dhacay magaalada Dila xili uu weftiga Waddani halkaasi uu soo marayey ayaa waxa uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen maamulka degmada Dila iyo masuuliyiin Kulmiye ka tirsan oo Hargeysa jooga, waxaanu tacsi u diray ehelkii uu ka geeriyooday wiilkaasi in Alle samir iyo iimaan ka siiyo “Waxaan tacsi u dirayaa inankii dhalinyarada ahaa ee shalay xabadu ku dhacday ee geeriyooday Illaahay ha u naxariisto, qoyskiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo, shalayto waxaan idhi masuuliyada cida leh ha la baadho, waa la baadhay, yay ku cadaatay? Waxay ku cadaatay masuuliyiinta degmada Dila iyo madax sarsare oo Kulmiye ah oo Hargeysa joogta ayuu dambigii ku cadaaday.” Ayuu yidhi Musharaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Dhinaca kale waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Ambassador Maxamed Cali Cabdi, waxaanu si balaadhan u bogaadiyey 19-kaa aqoonyahan ee ku soo biiray xisbiga Waddani si uu u guulaysto, waxaanu yidhi “19-ka Xubnood anigoo aad usoo wada dhaweynaya waxaan ka codsanayaa inay ii ogolaadaan inaan kala dhex baxo Xaawa Rooble oo tusaale u ah, mudo lix bilood ah ayaa waxa aan raadiyey magaalada Boorama dumarkii xisbiga UDUB iyo Kulmiye u ololayn jiray kuwii ugu adadkaa ilaa todobaa la ii tilmaamay oo guryahoodii ayaan tagay, waxa ka mid ahaa todobadaa la ii tilmaamay Xaawa Rooble, guriga markaan ugu tagay in badani waxay ahaayeen Waddani, laakiin markii aan Xaawa u tagayey oo aan ku soo khatimayey aragtidoodii, Xaawa waxa iiga muuqatay waxoogaa adkaysi oo waxaan idhi malaha xaawi way ku yara dhegan tahay, iimanay cadaynin waxaanan ka dareemay inay is yar xejinayso, laakiin Caawa aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa xaawa inay ka mid noqotay aakhirkii xisbiga Waddani.” Ayuu yidhi Ambassador Maxamed Cali.

Dhinca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee Gobolka Awdal Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, waxaanu Suldaanku yidhi “Waddanka Waxa yaala wax tilmaan lagu sheegi karo ka balaadhan, dad muraado lahaabaa magacyo u kala sheegayoo midiyo isugu dhiibee, Somaliland ha midawdo, dadbaa maatida iyo caruurta midigo isugu dhibayee Samaroon ha midoobo oo Waddani ha ku milmo.” Ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Samaroon Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil.