Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa (ANn)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil iyo deegaanno hoos yimaado
Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka kooban saraakiil xisbiga ka tirsan, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, haween iyo xubno ka mid ah garabka dhallinyarada xisbiga oo hawlo shaqo ku jira, ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan deegaanno ay ka mid yihiin Taagga, Bureeqa iyo laaso-dacawo iyadoo dadweynaha ku dhaqan deegaannadaasina caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyeen weftiga.
Hormoodka magaalooyinka Taagga iyo Bureeqa oo ka tirsan degmada Laasa-dacawo, ayaa hadallo ay kaga warbixiyeen xaaladda deeegaanadaas u jeediyey guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxayna shaaca ka qaadeen in shacabka deegaannadani si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisu waxa ay soo indho indheeyeen beero masno ah oo lagu beeray noocyada kala duwan ee khudaarta, kuwaas oo ay dadweynaha deegaanku tacab badan geliyeen, waxaannu indhihiisa ku arkay khudaar badan oo beerahaas ka soo go’day oo diyaar u ah inay intifaacsadaan dhammaanba dadweynaha reer Somaliland.
Weftiga guddoomiyaha KULMIYE, ayaa loo gelbiyey dhinaca magaalada Laasa-dacawo oo ay ku soo dhaweeyeen mawjado dadweyne ah oo halkaas diyaar ugu ahaa soo dhaweynta weftiga, iyada oo markii dambena goob fagaare ah lagala hadlay dadweynihii halkaas isugu yimmi oo dhammaantood ka sinnaa taageerada guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Salaadiin, cuqaal, haween iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in dadweynaha degmada Laasa-dacawo iyo deegaannada hoos yimaaddaaba si buuxda u taageersan yihiin guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana codkooda u huri doonaan waqtiga la gaadho maalinta doorashada madaxtinimada, haddii Ilaahay yidhaah.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Maxamed Warancadde, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Laasa-dacawo uga mahadceliyey sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay u soo dhaweeyeen guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay codkooda la ogaadaan guddoomiye Muuse Biixi Cabdi xilliga codaynta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayn dadweynaha reer Laasa-dacawo hadal u jeediyey, ayaa u mahadnaqay, kuna ammaanay dedaalka dhinaca beeraha ee ay ku tallaabsadeen.
“Farriinta aad noo sheegaysaan waxa ay tahay in aad tihiin dad lexejeclo ka leh dalkan Somaliland, waxaanad na leedihiin ilaaliya oo ku faro-adayga oo difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, taasna waannu guddoonay annaguna. Farriinta labaad ee ay soo dhawayntiinu noo dirayso waa in aad tihiin dad leh xadaarad iyo aqoon oo doonaya dal horumarsan iyo dal dhisan, waxaanad na leedihiin dalka hawlo badan iyo dhaliilo badan ayaa ka jira ee dhisa oo meel walba gufeeya, dalkuna ha noqdo mid horumar gaadha oo caddaalad ku dhisma, taasna waannu qaadanay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxaannu intaas ku daray; “Ta saddexaad, waxa aad noo sheegteen in aad tihiin xuduntii Somaliland oo maanta uu Gobolka Saaxil yahay gobolka Somaliland oo dhan isku xidha, qof walba oo Somaliland ahna yimaad, dekeddii ugu weynayd ee dalkuna ku taal, waxaanad noo sheegteen in aad tihiin dad u bislaaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Somaliland oo dhan oo ay gacan qabtaan, taasna waannu guddoonay.”
“Farriinta u dambaysa ee wax walba soo koobaysa ee soo dhawayntiinu noo sheegtay waxa ay tahay in aad tihiin dad yaqaan maamulka, dawladnimada iyo siyaasadda oo ab iyo aabbo u leh oo doonaya dawlad-wanaag hufan oo musuqa ka hufan, tacliintana horumarisa, biyo keenta, magaalada Berbera-na ka dhigta mid la tartanta Dubay iyo dekedaha waaweyn ee caalamka, taasna waannu qaadanay,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa ay dadweynaha degmada Laasa-dacawo la qaateen hadhimo-sharafeed si maamuus sare leh loo agaasimay, waxana hadhimada dusheeda lagu wadaagay kaftan iyo is xog-warraysi dhexmaray xubnihii madasha ku sugnaa.