Araweelo News Network

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa u taagan jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi doorashada soo socota Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay inuu ogyahay arrimo lagu caayi doono haddii loo doorto xilka madaxnimada dalka doorashada soo socota ee u muddaysan 13-ka bisha November 2017.
Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in ay dhaqan ka noqotay Somaliland in la ammaano oo la qiro wanaagga qofka inta uu joogo bannaanka, balse marka uu xil qabto la bilaabo cay iyo aflagaado ka dhan ah shakhsiyaddiisa, kartitiisa iyo sharaftiisaba, taas oo ku soo dhacday madaxweynayaashii hore dalka u soo maray, sidaasi darteedna waxa uu sheegay inuu garanayo waxyaabaha uu bulshada kala kulmi doono haddii uu noqdo Madaxweynaha soo socda ee dalka.
Sidaana waxa uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyey kulan aqoonyahanno ka socda jaamacaduhu ku lafo-gurayeen barmaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ku galayo doorashada soo socota oo ka furmay xarunta Garabka Dhallinyarada xisbiga ee Hargeysa habeenimadii Arbacadii.
Ugu horreyn, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ka hadlay waxyaabaha wanaagsan ee lagu ammaani jiray afartii madaxweyne ee soo maray Somaliland iyo dhaliilihii ay la kulmeen markii ay xilka qabteen, waxaannu yidhi, “Madaxweynayaashii ina soo maray ka soo bilow Cabdiraxmaan Tuur, noloshiisa intii aan madaxweyne loo dooran ka hor wuxuu ahaa inta dadka lagu majeerto, waxbarashada darajada u sarraysa ayuu ahaa, kubaddana dhexda ayuu ka ciyaari jiray, markuu safiirka ahaana kuwii ugu adadkaa ayuu ahaa oo sannadkii 1977-kii sirtii dawladda Itoobiya oo aan weligeed cidiba u dhicin intuu qorshihii ka soo qaaday ayuu isagoo safiir ah uu ka soo galay Wajaale isagoo laba baabuur wata, waana halkii lagu jabiyey Itoobiya ee lagu qabsaday. Ninkii sidaa kartida u lahaa wuu yimi (Madaxweyne ayuu noqday) oo wixii ka gaadhay waad ogaydeen.”
“Maxamed Ibraahim Cigaal waxa la isku majeertaa inta Af-soomaaliga ku hadashaa in Ina Cigaal ahaa siyaasi ballaayo ah, libaax ah, dawladda dhisa oo qof waliba wuu ammaanayaa, laakiin wuxuu ahaa ninka qudha ee mooshin xil-ka-qaadis ah la saaray ee la yidhi waa khaayin ee aynu ridno ee Baarlamanka la soo dhigay ee hal cod ku baxsaday.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa sii raaciyey, “Daahir Rayaale nin dhallinyaro ah oo aan siyaasadda ku jirin ayuu ahaa, laakiin waa ninka siyaasi ah ee ugu nasiib badan malaha Aadan Cadde ayuun baa ka nasiib badnaa, wuxuu soo galay jawi aannu shaqo ku lahayn oo uu Madaxweyne ka noqday oo uu hayey siddeed sanno, markii uu ka tagayna si sharaf leh ayuu uga tagay, isagoo maanta la ammaanayo oo la leeyahay nin walba adigaa ka wanaagsana wuu joogaa.”
“Axmed Siilaanyo ardaynimadii Cabdiraxmaan Tuur bay isku macno ahaayeen, isagoo dhallinyaro ahna Afwayne ayuu wasiir u noqday, waxaannu ahaa wasiirkii ugu adkaa ee ka horyimi Afwayne ee uu yidhi waar inankaa iyo daraasaddiisaa sidaynu ka yeelnaa? Markii dambe Guddoomiyihii SNM buu ahaa oo dadka oo dhan baa codkiisa ku diirsan jiray. Siilaanyo Madaxweyne ayuu noqday, hadda waad arkaysaan waxa ku dhacaya, inta eray xun oo cay ah baa ku dhacda.”
Intaa kadib waxa uu Muuse Biixi tilmaamo ka bixiyey waxyaabaha uu filayo inuu la kulmi doono haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtinimada dalka, “Anigu waan sii arkayaa waddada oo iminka ninkaa iska wanaagsan baan ahay oo waaba la ammaanaa oo wax anaan lahayn baa la i siiyaa, laakiin berrina waxaynu leenahay ma askari jaahil ah baa ii taliyey iyo bad baynu galnay, waan sugayaa berri oo waan sii qorayaa dhaliishayda la odhan doono oo waan hubaa,” ayuu yidhi, waxaannu intaa ku daray in aqoonyahanka looga baahan yahay daraasad laga sameeyo sababta arrintan keenaysa, “Bal waxaad iiga jawaabtaan su’aasha ah dadku ma marka hore ayey liitaan oo aynaan aqoon ee aynu dad wanaagsan u haysanaa meesha tagaya (Madaxtooyada) mise meesha ayuu fal yaalaa dadka xumaynayaa? Markaa aqoonyahanow arrintaa ha la soo baadho oo daraasad ha laga sameeyo.”
Dhinaca kale, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka hadlay musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay inuu yahay xannuun la xalaashaday oo sabab u noqday dhammaan dhibaatooyinka kala duwan eek a jira dalka Somaliland.
Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Aniga marka la i yidhaa xannuunka ka kuugu darani waa maxay? Anigu waxaan odhan lahaa waa musuqa oo xalaal inoo noqday, qabyaaladdana musuqaa wada, shaqo la’aanta musuqaa wada, is nacaybka aynu is wada karaahiyeysanayno musuqa ayaa wada, musuquna wuxuu ka bilaabmaa ka waqtiga, musuqa hantida, ka shaqada, musuqa ballanta, haddii aan lagu dhiirranin oo aan col loo helin ka hortaga ninkaa odayga ah (musuqa) oo ka daacad ah oo sibirta is gashada weligeen ka gudbimayno waxaynu ku jirno.”
“Maanta nin kasta iyo gabadh kasta oo 30 jir jaamacad ka soo baxay ahi wadnihiisa ma galaayo shaqo tag, waayo adeerkii/adeerkeed maaha Guurti, xaaji la yaqaano, suldaan, wasiir iyo masuul kale kadibna marka horeba qalbi ahaan ayaanay meesha u tagayn, halkaas ayey ka bilaabtay, xataa marka uu ardayga yahay ayuu is odhanayaa maxaad ka dadaalaysaa, markaa gaadho waxaynu nahay jidh mayd ah oo dhar uun xidhan,” ayuu yidhi.
Guddoomiyuhu waxa uu ka dalbaday aqoonyahanka iyo dhallinyarada inay ku garab-istaagaan la-dagaallanka musuqmaasuqa oo iyada lafteedu dhibaato noqotay, taas oo haddaan lagu dhiirran aan waxba laga qaban doonin dhibaatada weligeed, waxaannu yidhi, “Marka musuqu dhacana haddii iminka la soo xidho wiil ama gabadh musuq galay waxa la odhanayaa dadkuba waa wada musuqmaasuqe maxaa isaga/iyada loo sheeganayaa, horta haddaan cid uun laga bilaabin sow bahalkii iska soconmaayo, anigana iga bilaaboo, sow mar uun in la dhiirrado maaha, si tartiib-tartiib ahba ha loo bilaabo dheh oo marka hore ha la iska waaniyo, ha la isla qaato inuu yahay ka inoogu daran.
Haddaynu KULMIYE nahay oo aynu barmaamijkii ka wadahadlayno oo aynu berri isku codaynayno anigu waxaan leeyahay haddii aad anigana igu khasabtaan oo col xoog leh oo bahalka (musuqa) la dagaallamaya oo hareerta iga jooga oo leh adiguna ka joog dadkana qabo oo ka hortag oo aydaan odhan bahalka qabo annaga ayaa ku barbartaagane hadhow anigana waa la caayi uun waxna inoo hagaagimaayaan.
“Markaa waxaan idin leeyahay markaad eegaysaan qodobka dawlad-wanaagga ee barmaamijka xisbiga ku rakaadiya oo hay’adaha dawlad-wanaagga ee xukuumadda hore bilowday ee hawshoodu bilowga ku tahay, waayo waa laga adagyahay yahay hay’adaha Dawlad-wanaagga iyo Hanti-dhawrka oo dadkii baa ka soo horjeeda oo ummad dhan baa sidaa ku dan ah, waynu is xamanaynaa uun oo waynu calaalaynaa uun, anigu waxaan leeyahay taa ha loo badheedho oo ha noqoto wax la is gaadhsiiyo in dagaalka la galo,” ayuu yidhi Muuse Biixi.